Ex. Wasiir Shucayb Oo Mucaaradka Usoo Jeediyay Inay Samraan

0
Wednesday January 12, 2022 - 08:14:48 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 988
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ex. Wasiir Shucayb Oo Mucaaradka Usoo Jeediyay Inay Samraan

    Samir iyo dulqaadku waa sedka siyaasiga suuban.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Samir iyo dulqaadku waa sedka siyaasiga suuban.

Hargaysa (HWN) Ex. Wasiir Shucayb Maxamed Muuse oo kamid ahaa wasiiradii xukuumada madaxwayne Siilaanyo oo uu xidhay Muuse Biixi xiligii tartanka Doorashadii Golaha Deegaanka ayaa usoo jeediyay siyaasiyiinta mucaaradka ah inay samir muujiyaan.

 

 

Gaashaan dhigeedii .

Hashuu gallawgu Eedaamay.

Garre iyo Guntane

Maalintay gees isugu booday

Allaah noo gargaaree

Markuu shicibku guulaystay.

Abwaan :- c/laahi suldaan Timacadde .



Rag fara badan waxaan lee yahay sida wax dumiyaa way dhib yartahay Lkn sida loo dhisaa way Adagtahay .

Hogaanka mucaaradku waa rag mudo kar ah. Nin walba wadanka wax buu u qabtay .


Waxaan soo jeedinayaa in Aad dulqaad samaysaan oo aad xasuusataan shalay wax aynu ka soo gudubnay oo aad hadallada dhiillada xambaarsan Dhagaha dadkeena ka dhawrtaan .


 Samir iyo dulqaadku waa sedka siyaasiga suuban.  Xaaji c/kariim xuseen waxa laga hayaa waar Hareeraha ka jooga .  Yaan laydiin qaadan rag moog ama wadanka joogin Wixii dhacayna aanay micno u samaynayn. ( Waa la doogiye yaan la dacaroon)

 

Hadii aad maanta waydo waxaad doonaysay saw Saw lagama yaabo inaad barri hesho kacaa kuf Badan ayay siyaasadu leedahaye taa halla ogaado.


Siyaasi Shucayb Maxamed Muuse.

Loading...
Loading...