Wax Ka Ogow Khatarta Ku Gedaaman Barnaamijkan Laga Daba Dhacay

0
Wednesday January 12, 2022 - 08:06:21 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1809
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax Ka Ogow Khatarta Ku Gedaaman Barnaamijkan Laga Daba Dhacay

    Xaggee ayuu ka yimi barnaamijkani?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaggee ayuu ka yimi barnaamijkani?

Maalmihii u danbeeyey baraha bulshada waxaa haystay sawirro loo eekaysiiyey qaab macmal ah ama 'cartoon' ah oo ay isticmaalayeen dadka Soomaalida ahi. Facebook-ga oo ah barta bulsheed ee ay isticmaalaan Soomaalida ugu badani ayaa aad looga dhex arkayey sawirradan oo ku baahay.

 

Farsamaynta iyo naashnaashida sawirradan lagu habeeyey barnaamij gaar ah ayaa qofka u eekaysiinaysa sidii sawir gacmeed oo kale ama hab ku dhaw.

 

Sawirradan ayaa ay dadku u isticmaalayeen ku beddelashada sawirka aqoonsiga shakhsiga ah ee loogu talogalay wejahadda qof walba.

 

Baadhis kaddib barnaamijka ugu badan ee ay dadkaasi isticmaaleen si ay sawirkooda u dooriyaan ayaa ahaa barnaamijka PhotoLab.



Xaggee ayuu ka yimi barnaamijkani?

Photolab ayaan caan ka ahayn keliya baraha bulshada Soomaalida ee sidoo kale dhawaan ayay ahayd kolkii uu dalka Hindiya ku baahay, tan iyo markii la sii daayay. App-kan waxa uu wataa awoodo tafatireed oo soo saaraysa sawir aad u cajiib ah, waxana uu leeyahay qaabab farshaxan oo kala duwan, oo qofka u eekaysan karta marba habka uu doono.


Markii ugu horreysay barnaamijkan waxaa lala xidhiidhiyey in laga leeyahay dalka Shiinaha, waxaa se warkaasi isbeddelay baadhis ay sameeyeen warbaahin dalka Hindiya ah oo lagu ogaaday in aanu la xidhiidhin Shiinaha. Barnaamijkan wuxuu ka yimid Linerock Investments LTD, oo ah shirkad fadhigeedu yahay San Fransisco, Mareykanka.


Shirkadda ayaa ku soo bilaawday barnaamijkan taleefannada loo yaqaan Android sannadkii 2010, iyaga oo wixii intaa ka danbeeyey marba sii horumarinayey.


Waxyaalaha aad ka heli karto shirkadda ee kolka aad furtaba xagga hore kaaga muuqanaya waxaa ka mid ah 14 barnaamij oo loogu talagalay mobiladada kaas oo kan ugu caansa uu yahay Photo Lab Picture.


Barnaamijkan ayaa lala degan intaas oo milyan oo jeer. Kolka laga hadlayo qiimeynta Google, barnaamijyadeeda mobilada waxa uu ka mid yahay oo badanaa ka muuqdaa 100ka ugu sarreeya in ka badan 10 waddan.


BBC

 

Loading...
Loading...