Sanad Ka Dib Trump Ma Ka Faa'iday Mamnuucidii Laga Mamnuucay Tweetar-ka?

0
Wednesday January 12, 2022 - 08:00:27 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 936
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sanad Ka Dib Trump Ma Ka Faa'iday Mamnuucidii Laga Mamnuucay Tweetar-ka?

    "Aad baan u xakameyn doonaa, haddii aan isticmaalo gabi ahaanba," ayuu yiri.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Aad baan u xakameyn doonaa, haddii aan isticmaalo gabi ahaanba," ayuu yiri.

2016, ka dib guushiisii lama filaanka ahayd, Donald Trump wuxuu lagu wareysto barnaamijka caanka ah ee Maraykanka ee 60 Minutes.



Waxaa wax laga weydiiyay isticmaalkiisa baraha bulshada.


"Aad baan u xakameyn doonaa, haddii aan isticmaalo gabi ahaanba," ayuu yiri.

Balan qaadkaasi si buuxda uma shaqayn, waxa uu si joogto ah u isticmaalayay baraha bulshada, isaga oo barta tweetarka ku soo qoray intii uu madaxwaynaha ahaa in ka badan 20,000.


Istaraatiijiyadda Mr Trump waxay ahayd inuu galaagalka ku wararka warbaahinta.

Waxaa uu Trump gaar ahaan si wayn uu adeegsan jiray barta Twitter-ka taasi oo ka caawisay in uu warkiisa meel fog gaaro.


Saxafiyiinta caalamka ayaa sugi jiray tweet-kiisii​​ugu horreeya ee maalinlaha ah inuu soo dhigo marka uu soo tooso. "," Waxaa uu ahaa mashiinka sameeya wararka.


Mr Trump ayaa sheegay in adeegsigiisa Twitter-ka iyo aaladaha kale ay tahay hab uu uga maarmo warbaahinta - isaga oo toos ah ula hadlaya codbixiyayaasha.


Wax yar ka hor doorashada 2020 ayaa la weydiiyay, mar kale waxaa uu telefishinka CBS barnaamijkiisa ' 60 Minutes, lagu waydiiyay su'aal ahayd in qoraalada uu soo dhigo tweet-ka ay wax u dhimayso taageeradiisa iyo in kale.


"Maya, waxaan u maleynayaa inaanan halkaan joogi lahayn haddii aanan haysanin baraha bulshada… ayuu yiri.

Balse saddex bilood gudahood, Mr Trump ayaa laga joojiyay isticmaalka shabakadaha baraha bulshada ee waa weyn oo ee kala ah Twitter, Facebook, Instagram, iyo YouTube.


Axaddii la-taliyaha Trump ayaa u sheegay Wall Street Journal: "Ma garanayo hal qof oo ka mid ah dadka ku hareereysan Trump oo ka qoomameynaya in tani ay dhacday ."


Darrell West, gudoomiye ku xigeenka kooxda cilmi baarista siyaasada Brookings Governance, ayaa fikirkaasi la qaba.


Balse waxaa jira kuwa kale oo qaba in ka maqnaashiyahiisa baraha bulshada ay Trump wax badan ka caawisay.

Aragtida ballaaran ayaa ah in Mr Trump, oo yara aamuso, uu raacayo talada Napoleon: Weligaa ha dhex gelin cadowgaaga marka uu khalad samaynayo.


"Markii laga soo laabatay musiibadii feyriska Corona, dhaqaaluhu hoos buu u dhacayaa, waxaana jiray masiibooyinka siyaasadda arrimaha dibadda ah, waxaad doonaysaa in dareenka dadwaynaha diiradda lagu saaro mas'uulka xilka haya," ayuu yiri.


"Tirada taageerayaasha Biden aad ayey hoos ugu dhacday. Markaa waxaan u malaynayaa in Trump uu ka faa'iidey in aysan isaga diiradda saarnayn ."


Ra'yi ururintu waxay soo jeedisay in Mr Trump's mararka qaarkood Twitter-da khaldan ee uu soo dhigayay ay wax u dhimaysan taageeradiisa islamarkana mlaha uu u baahna in uu ka nasto.


Qaar yar oo ka mid ah dadka wax falanqeeya ayaa ku dooday in xayiraadda baraha bulshada ee lagu soo rogay Trump oo sii socota 2024 ay caawin doonto hamigiisa Aqalka Cad haddii uu go'aansado inuu mar kale xilka u tartamo.


Kooxdiisu waxa laga yaabaa inay sheegaan inuu ka faa'iiday mamnuucidda laga mamnuucay baraha bulshada qaarkood , laakiin ugu dambeyntii waxay doonayaan in Trump aan afka la qaban.


Waxay hadda dacweeyaan Fcebook, Twitter iyo Google iyagoo isku dayaya inay ku qasbaan in go'aanada xayiraada ay ka laabtaan.


Waxaa jirta aragti sheegeysa in Mr Trump laga yaabo in loo ogolaado inuu dib ugu soo laabto Facebook sanad ka dib, 7da Janaayo 2023 .


Balse shirkadda Tweetar-ka ayaa dhankeeda sheegtay in mamnuucidda ay Trump ku soo rogtay ay tahay mid joogto ah oo aysna qaadin donin xayiraadda.


Balse waxaa sidoo kale jirta rejo ah in TRump uu mar kale dib ugu soo laabto barta Tweetar-ka, haddii uu ku guuleysato dacwadaha uu maxkamadaha u gudbiyay.


Waxaa sidoo kale jirta khubaro qabto aragti ah in uu baraha bulshada dib ugu soo laaban karo haddii mar kale uu noqdo musharaxa madaxwaynanimada ee xisbigiisa Jamhuuriga.

 

BBC

Loading...
Loading...