Madaxwayne Biden Oo Xil Sare Umagacaabay Wiil Somaliya

0
Tuesday January 11, 2022 - 10:17:33 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2387
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne Biden Oo Xil Sare Umagacaabay Wiil Somaliya

    "Anigoo isku diyaarinaya inaan matalo dhammaan shacabka Mareykanka, waxaan ku faraxsanahay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Anigoo isku diyaarinaya inaan matalo dhammaan shacabka Mareykanka, waxaan ku faraxsanahay"

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden Xamse Warfaa oo ah wiil Soomaaliyeed u magacaabay inuu noqdo la-taliye sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka.



Xamse Warfaa ayaa hadda ahaa guddoomiye ku-xigeenka waaxda shaqaaleynta iyo horumarinta dhaqaalaha (DEED) ee gobolka Minnesota. Wiilkaan Soomaaliyeed ayaa hadda kadib kaalin weyn ka cayaari doona hor-marinta shaqada diblomaasiyadeed ee wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka.


Xamse waxa uu noqonayaa Soomaaligii ugu darajada sareeyey ee Madaxweyne Mareykan ah uu xil u magacaabo. 17-ka bishaan Janaayo ayaa la shaaciyey in Xamse uu ka tegayo shaqadii hore ee guddoomiye ku-xigeenka waaxda DEED.


"Anigoo isku diyaarinaya inaan matalo dhammaan shacabka Mareykanka, waxaan ku faraxsanahay saaxiibada, shaqo-wadaagta iyo qoyska taageerada iigu muujiyey shaqadeyda dadweyne,” ayuu Xamse ku yiei qoraal ay baahisay waaxda DEED ee gobolka Minnesota.


Haatan Xamse waxuu si gaar ah ugu biirayaa xafiiska dadweynaha, Qaxootiga iyo Socdaalka ee wasaaradda arrimaha dibedda oo shaqadiisa ay tahay ilaalinta barakacayaasha. xafiiskan ayaa sidoo kale ka caawiya Madaxweynaha Mareykanka go’aan ka gaaridda tirada qaxootiga imanaya Mareykanka sanad kasta

Loading...
Loading...