Doorasho Kasta Oo Somaliland Hore Usoo Martay Waxaa Saldhig U Ahaa Heshiis Siyaasi Ah Oo Dhex Mara Xukuumada Iyo Mucaaridka.

0
Tuesday January 11, 2022 - 10:04:57 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 891
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorasho Kasta Oo Somaliland Hore Usoo Martay Waxaa Saldhig U Ahaa Heshiis Siyaasi Ah Oo Dhex Mara Xukuumada Iyo Mucaaridka.

    Asalaamu Calaykum

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Asalaamu Calaykum

Wakhtigii Madaxweyne   Cigaal Allah ha u naxariistee waxaa muranka ugu weyni uu dhex yaallay Saleebaan Maxamuud Aadan ( Saleebaan Gaal) oo ugu tun weynaa Mucaaridkii waagaas jiray, waxaanuu ka hor yimi in Ururrada la diiwaan geliyo xilli uu Madaxweyne Cigaal go'aansaday in Shir Beeleedkii wax lagu dooran jiray looga gudbo hannaanka Xisbiyada badan. Xiligaas Saleebaan Gaal waxa uu haystay taageerada inta badan Salaadiinta iyo Hoggaanka Dhaqanka Somaliland oo saameyn weyn ku lahaa qofka Madaxweyne loo cimaamadayo.

 

Salaadiintii waxay isku urursadeen guriga Suldaan Barre ee magaalada Hargeysa iyagoo ciiddan difaacana samaystay,  xiligaas Madaxweyne Cigaal wuxuu  damcay inuu weeraro, balse aakhirkii waxaa laga gaadhay heshiis, waxaana la isku raacay in ururrada la diiwaan geliyo taasoo   UDUB, UCID, iyo ASAD ay bilaabeen inay is diiwaan geliyaan,   muddo yar ka dibna waxaa geeriyooday Madaxweyne Cigaal Rabbi ha u naxariistee.

 

Madaxweyne Daahir Riyaale iyo Mucaaridkii ayaa hadana fooda is daray, waxaana dhibta ugu weyni ay ka taagnayd nidaamkii iyo habkii   loo maamulayay doorashada iyo diiwaan gelinta, qalabkii Server ka ee Gudiga Doorashooyinka Qaranka oo Ajnabi uu gacanta ku hayay ayay Xukuumadii Rayaale ku amartay inay Dalka ka baxaan taasoo dhalisay muran aad u xoog badnaa waxaana aakhirkii soo dhex galay   Beesha Caalamka oo   u xil-saaray Dawlada Itoobiya, waxaana lagu xalliyay heshiis Lix Qodob ka koobnaa oo dhex maray Xukuumada iyo Mucaaridka oo horseeday qabsoomida doorashadii Madaxtooyada iyo Baarlamanka.

 

Xiligii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo la qabtay doorashadii Dawladaha Hoose iyo Furista ururrada waxaa iyadana lagu galay heshiisyo buuxa iyo is faham dhex maray saddexda Xisbi iyo Xukuumada.

 

Doorashadan u dambeysay ee isku sidkanayd ee dhawaan uu Dalka ka qabtay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxay iyaduna ku qabsoontay kuna suurto gashay heshiis iyo is faham siyaasadeed oo wadajir ah oo dhex maray Xukuumada iyo Xisbiyada.

 

Tusaale ahaan waxa ay Xisbiyada iyo Xukuumadu si wadajir ah uga hawl galeen xallinta Caqabadihii ugu cuslaa  ee doorashada Baarlamanka hor taagnaa, taasoo ahayd arrintii Saami-qaybsiga iyo Xeer Maxkamada sare hore usoo saartay oo dhigayay inaan doorasho Baarlamaan la geli karin ilaa Tiro-koob la sameeyo.

 

Si middaysan ayay Xukuumada iyo Xisbiyadu ugu wada shaqeeyeen xallinta artintaas, Madaxweyne Muuse Biixi iyo Hoggaanka Mucaaridka ayaana dhexda u xidhay inay reer Awdal ku qanciyaan in doorashada la galo, sidoo kalana waxay Maxkamada Sare ka codsadeen inay buriso goaan hore oo Maxkamada Sare soo saartay, taasoo yaabkeeda lahayd, sharciyadeedana ay calaamatul-suaal saarnayd,   laakiin fure u noqotay qabsoomida doorashadii isku sidkanayd ee dhawaan inoo qabsoontay.

 

Jamhuuriyada Somaliland maaha mid shalay dhalatay, mana aha mid ay ku cusub yihiin muranada ka dhasha Doorashooyinku, waxaanay Somaliland leedahay waayo aragnimo aad u qoto dheer oo ay ku xallin jirtay marka ay xaaladan oo kale timaado, taasoo ahayd inay wada fadhiistaan Xukuumada iyo Mucaaridku, si deggana heshiis siyaasi ah looga gaadho muranka jira.

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Murashax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo labaduba Shahaado sare oo Jaamacadeed ku qaatay Xallinta khilaafaadka,isla markaasna ahaa laba Arday oo isku fasal markii ay Jaamacada Hargeysa ku jireen, waxaan ka codsanayaa in ay aqoontii ay barteen u isticmaalaan xallinta khilaafka u dhexeeya, dhakhsana usoo afjaraan buuqa Dalka ka jira iyaga oo u maraya dariiqii suubanaa ee loo mari jiray xallinta muranada ka dhasha arrimaha doorashooyinka.

 

Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...