Qaabkee Ayay Maxkamadda Sare Uga Go'aan Gaadhaa Murannada Sharci Sida Xeer Lambar 14

0
Tuesday January 11, 2022 - 09:46:10 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2013
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaabkee Ayay Maxkamadda Sare Uga Go'aan Gaadhaa Murannada Sharci Sida Xeer Lambar 14

    Imisa Garsoore Ayaa Gala Fadhiga Lagu Go'aaminayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Imisa Garsoore Ayaa Gala Fadhiga Lagu Go'aaminayo

Hargeysa, - (HWN)-  21-kii Bishii Diisambar ee aan ka soo gudubnay ayay ahayd markii 46 xildhibaan oo Golaha wakiillada Somaliland ka tirsani ay maxkamadda sare ahna Maxkamadda Dastuuriga ah ee Somaliland u gudbiyeen dacwad ku aadan tafsiir sharci oo maxkamaddu ka soo saarto muranka xildhibaannada Golaha Wakiillada ka dhex qarxay ee ku aaddan xeer Nambar 14 kaasi oo ah xeerka Ururrada iyo axsaabta siyaasadda, tan iyo wakhtigaasi haddaba waxa si weyn shacabka Somaliland, xisbiyada qaranka iyo xukuumadduba ka dhur sugayaan bal go’aanka ay maxkamadda sare ka qaadato dacwaddaasi.



Tan iyo markii haddaba dacwadda Xildhibaannada Wakiilladu soo gaadhay Maxkamadda saree e Somaliland oo sidoo kale ah Maxkamadda Distooriga ah waxa ay dad badani isku dayaan in ay wax ka ogaadaan nidaamka sharci ee Maxkamaddu uga hawl gasho dacwadaha noocan oo kale ah waxaana dhacda in dacwadaha noocan ah ay ka gar naqaan Garsoorayaal badan oo uu Guddoominayo Guddoomiyaha maxkamadda sare waxaana la filayaa in dacwaddan imika ay ka hawl galaan 11 Garsoore oo uu guddoominayo Guddoomiyaha Maxkamadda sare Aadan Xaaji Cali Axmed.


Sida ay wargeyska Foore u sheegeen xeel-dheerayaal sharci waxa inta badan dacwadaha noocan oo kale ah lagu dhagaystaan fadhi saacado dhaadheer ah oo aan sida qaalibka ah hal fadhi ka badnayd kaasi oo guddida garsoor ee kiiskaasi qaadaysaa ay si weyn ugu qaadaa dhigaan garsoore walibna dooddiida sharci ee ku aaddan Kiiskaasi uu six eel dheer ugu lafa guro iyada oo inta kalena dhagaysanayso oo uu madasha fadhiga ka soo jeediyo isaga oo qodobaynaya dooddiisa sharci (Elements).


Marka ay dhammaanba xeel-dheerayaasha sharci ee Garsoorayaasha ka ah kiiskaasi dooddooda dhammeeyaan waxa la isku eegaa dhammaanba soo gudbinahaasi Garsoorayaasha taasi oo gabogabada cod loo qaado iyaga oo sida ugu hufan u guta masuuliyadda dooddaasi, halka ay codaynta guud u dhacdana ay maxkamaddu ku dhisto go’aankeedaasi. Waxa halkaasi ka cad sida xeel-dheerayaasha sharci nooga warrameen in aanay dacwadaha noocan oo kale ahi ku xidhnayn qof kali ah sida aragti Guddoomiye ama mid kale ee ay tahay nidaam ka sal ballaadhan oo salka ku haya lafa-gur iyo aqoon sharci oo la mideeyey la isuna geeyey si caddaaladda tafsiirka sharci loogu dhawaado.


Waxa kale oo muhiim ah in aan halkan Iyana ku xusno qodobka dastuur ee qeexaya maxkamadda sare iyo sida ay u shaqayso waxaana si faahfaahsan uga hadla qodobka 36aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, oo ka kooban Afar farqadood kaasi oo u dhigsan sidan:  

 

Qodobka 36-aad

Maxkamadda Dastuurka

1.  Maxkamadda  Dastuurku waxay  abuurantaa  ka  dib marka  ay Guddoomiyaha  Maxkamadda Sare  soo gaadho dacwad dastuuri ahi.

2.  Maxkamadda  Dastuurku waxay  ka  kooban tahay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare  iyo  dhammaan garsooreyaasha  Maxkamadda Sare,  waxaanay dacwadaha  ku gashaa  Guddoomiyaha  Maxakamadda Sare  iyo dhammaan  Garsoorayaasha  Maxkamadda Sare.

3.  Xarunta  Maxkamadda Dastuurku waa xarunta Maxkamadda Sare.

4.  Kaaliyaha Sare ee Maxkamadda  Sare ayaa ah kaaliyaha Maxkamadda Dastuurka.


Isku soo wada duuboo kiiskan fasiraadda sharci ee xeerka muranka ka dhex dhaliyay Golaha Wakiillada oo muddoba shacabku u dheg taagayay maadaamauu saamayn ku leeyahay arrimaha doorashooyinka soo socda ayaa waxa maxkamadda sare laga filayaa in ay maalmaha dhaw ee innagu soo aaddan si rasmi ah ugu dhawaaqdo.


Foore

Loading...
Loading...