Ra'iisul Wasaaraha Sweden Oo Lagu Qabtay Arrin Ay Iyadu Ka Digtay

0
Tuesday January 11, 2022 - 09:33:24 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1620
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaaraha Sweden Oo Lagu Qabtay Arrin Ay Iyadu Ka Digtay

    "Xitaa kuwa doonaya inay waxa saxda ah sameeyaan waa la marin habaabin karaa,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xitaa kuwa doonaya inay waxa saxda ah sameeyaan waa la marin habaabin karaa,"

Ra'iisul Wasaaraha Sweden ayaa cambaareyn la kulantay kaddib markii la xiray qof nadiifiye ka ahaa gurigeeda oo la sheegay inuu sharcidraro ku shaqeynayay.



Booliiska ayaa tegay guriga Magdalena Andersson kaddib cillad ay si kama' ah uga dhacday guriga oo ku yaalla deegaanka Nacka, oo u dhow magaalada caasimadda ah ee Stockholm.


Markii ay booliisku yimaadeen, waxay ogaadeen in mid ka mid ah labo qof oo ka shaqeynayay gurigeeda hore loogu amray in la musaafuriyo.


Ms Andersson, oo xilka heysay tan iyo bishii November, ayaa sheegtay inay qandaraaska kala laabatay shirkadda howlaha nadiifinta ka shaqeysa.


"Xitaa kuwa doonaya inay waxa saxda ah sameeyaan waa la marin habaabin karaa," ayay Sabtidii u sheegtay wargeyska Expressen.


Waxay intaas ku dartay in madaxa shirkaddan uu u xaqiijiyay in dhammaan shaqaalaha ay sharci heystaan.

Guriga ku yaalla Nacka waa guriga qoyska Andersson, balse waxay u soo guurtay guriga rasmiga ah ee loogu talogalay ra'iisul wasaaraha oo ku yaalla Stockholm.


Qofka gurigeeda nadiifiyaha ka ahaa, oo loo maleynayo inay haweeney tahay ayaa waxay ka soo jeeddaa dalka Nicaragua waana dhowr iyo labaatan jir, waxaana markii dambe loo gacan geliyay hay'adda socdaalka Sweden.


Arrintan ayaa dhacday 21-kii December, balse waxay warbaahinta Sweden shaaciyeen Sabtidii.

Magdalena Andersson, oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Dimuqraaddiga ah iyo haweeneydii ugu horreysay ee ra'iisul wasaare ka noqota Sweden, ayaa ganacsiga sharci darrada ah diiradda ku saartay hoggaankeeda.


Xafladdeedii caleema-saarka ee ay jeedisay sanadkii la soo dhaafay, ayaa waxay dadweynaha ka codsatay inay xil iska saaraan la dagaallanka dembiyada abaabulan, iyadoo ku tilmaantay wax ceeb ah oo ganacsiga ka mid ah.


Waxay Expressen u sheegtay in dhacdadan ay muujineyso dhibaato ay hore uga digtay, isla markaana ay tahay in wax badan laga qabto la dagaallanka arrimahan.


Siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa sidoo kale su'aal ka keenay sida ay ammaanka uga fekerto Ms Andersson, iyagoo sheegay inay qasab tahay inuu jiro hannaan lagu maamulo cidda geli karta guriga ra'iisul wasaaraha.


Hoggaamiyaha kooxda baarlamaanka ee Xisbiga Moderate, Tobias Billstrom, ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in arrintan oo kale ya ku dhacday wasiirkii socdaalka UK Mark Harper oo ku qasbanaaday inuu is casilo sanakdii 2014 kaddib markii la ogaaday inuu shaqaaleysiiyay qof aan heysan sharciga loogu oggolaaday inuu shaqeeyo.


Ma cadda in qofkaasi nadaafadda ka shaqeynayay uu joogay guriga ra'iisul wasaaraha markii ay booliisku guriga tageen.


Madaxa shirkadda howlaha nadaafadda ka shaqeysa ayaa telefishinka SVT ee Sweden laga leeyahay u sheegay in haweeneyda aysan shaqadeedu ahayn nadiifinta guriga, ayna ku jirtya gaari yaallay bannaanka guriga.

 

BBC

Loading...
Loading...