Xisbiyada Somaliland – Hadda ii Tanaasul, Ar-Dambe iyo Calalaheeda

0
Friday May 24, 2019 - 14:06:24 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1489
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiyada Somaliland – Hadda ii Tanaasul, Ar-Dambe iyo Calalaheeda

    20 kii bisha May 2019 ayaa Guddoomiye Cabdulqaadir Jirdeh, Waddani,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

20 kii bisha May 2019 ayaa Guddoomiye Cabdulqaadir Jirdeh, Waddani, warbaahinta la wadaagay sidii wadahadaladii xisbiyada ee arrimaha doorshooyinku u dhaceen iyo mowqifyadaii xisbiyadu kala qaateen.



Sida uu Md Jirdeh sheegay, runtii waxa dhexmaray xisbiyada arrin bogaadin mudan oo tafaawud iyo is-gorgorin farsamaysan ahaa. Hambalyo, inkastoo aanay noqon mid midho dhasha. Aniga waxay ii ahayd indho-fur.


Guddoomiye Jirdeh, oo ah shakhsiyad mujtamaca Soomaaliyeed meel uu joogaba uu tixgelin weyn u hayo, wuxu ina siiyey faahfaahin aan hore loo hayn, oo ay ka mid yihiin mowqifyadii dhinacyadu kala qaateen (sidaan u fahamy):


1. Waddani, si xatabadda commissionka looga tallaabsado, wuxu soo jeediyey intirada commission-ka doorashooyinku ahaato toddabadeedii xubnood, sida ay imika tahay, laakiin xisbi kastaa ku yeesho labo xubnood (6 xubnood) iyo hal xubin oo madaxweynaha lagu maamuuso. Macnihii, xisbi-xaakimku wuxu helayaa 3 xunbood. Laakiin waxa arrinkaa ganafka ku dhuftay Kulmiye oo yidhi, xubinta guurtida madaxweynahu qaadam maayo. Xaasha!


2.Kulmiye wuxu soo jeediyey in hadda la magaacabo 7 xubnood oo cusub oo saamigii hore lagu kala qaato, la sii shaqaysa guddida hadda jirta, shaqadana la wareegta marka commissionka hadda jira kalkiisu dhamaado. Ogow, waxay soo jeediyeen labo commission oo is-dulsaaran, "Jini-jini dulsaaran”, sida Jirdeh u sawiray. Waddani way aqbaleen iyagoo aan garan karin sida taasi ay sharciyadda u waafiqi karto, waxay se shardi uga dhigeen in UCID iyo Waddani 4 xubnood ku yeeshaan; laakiin Kulmiye diiddan buu ka hor-keenay.


3. Kulmiye iyo Ucid waxay soo jeediyeen in tirada commissionka laga dhigo 9 xubnood, saddex xubnood xisbi kasta, kaas oo dhaqan gelaya doorashada dambe ee tan December 2019 dhacaysa ku xigi doonta. Waddani wuxu isla soo taagay taasi waa ar-dambe iyo calalaheedee; ee imika inoogu dhawaaqa warkaa wacan. Kulmiyee diiddan buu isla soo taagay mar kale.


Maxaa kaaga baxay halkaa? Aniga waxa iiga baxay is-gorgorin wacan baa dhacday. Waddani wuu ka tanaasulay kala dirkii commissionka, waxase uu fahmay isleegta xisaabta gorgorinta siyaasadda, taasoo ka dhigan tirada xubnaha iyo muddada la hirgelinayo ayuu marba mid dalbanayey.


Marka aad daalacato mowqifyadaa la kala qaatay, waxa kuu soo baxaysa in xisbiga Kulmiye tanaasulkiisu yahay doorashada dambe, tan hadda maya.


Xisbiga Waddani tanaasulkiisu wuxu ahaa: oggoli in commissionkani dhammaysto muddadiisa, laakiin kordhintaa xunbaha xisbiyada mucaaridka ah, hadda inoogu dhawaaqa.


Wacnaan lahaydaa madaxweynaha oo muujiya in yar oo debecsanaan ah: qaata qodobka 1aad, oo ah ka ugu fudud, uguna hawsha yar. Xilka madaxweynuhu waa in uu ka kor-maro, intii karaankiisa ah, xafiiltanka xisbiyada. Ilaahoow noo soo hadee madaxda.


Isku soo wada duuboo waxay 3da xisbi ku heshiiyeen inay sharciga jebiyaan, iyagoo kaskooda iyo miyirkooda qaba, unkaana xaajo ugub ah: labo commission oo is-dulsaaran oo aan lahayn sharciyad ay ku qotomaan. Waxay se kula kaceen waa waqtiga keliya.


Dabeetana waxa inoogu xigtay Nairobi ayaanu u dacwo tegaynaa, dawlad-na waa la sheeganayaa. Ka warran masuuliyiin sidaa u dhaqmaysa? Subxanallah.

Wa bilaho towfiiq


Maxamuud Cabdillahi Axmed

London, UK

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...