Kulan Amniga Looga Hadlay Oo Dhexmaray W/Gaashaadhigga Iyo Ku-Simaha Safaaradda Mareykanka

0
Tuesday January 11, 2022 - 09:30:18 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 981
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulan Amniga Looga Hadlay Oo Dhexmaray W/Gaashaadhigga Iyo Ku-Simaha Safaaradda Mareykanka

    labada dhinac ayaa sidoo kale waxay isla garteen in ciidamada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

labada dhinac ayaa sidoo kale waxay isla garteen in ciidamada


Wasiirka Gaashaadhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan la qaatay ku-simaha Safaaradda Mareykanka Colleen Crenwelge iyo saraakiil ka tirsan Safaaradda Mareykanka ayaa waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal gaar ahaan horumarinta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo la-dagaallanka cadowga.


Wasiirka iyo Saraakiisha safaaradda ayaa hoosta ka xariiqeen ahmiyadda ay leedahay horumarinta ciidanka iyo in ciidamada Soomaliya ahmiyad gaar ah la siiyo si amniga guud ee Dalka loogu wareejiyo.

labada dhinac ayaa sidoo kale waxay isla garteen in ciidamada laga fogeeyo ku milanka siyaasadda xooggana la saaro sidii ay ula dagaalami lahaayeen waxa ay ugu yeeraan argagixisada.

Ugu dambeyn, wuxuu wasiirka uga mahadceliyey Dowladda Mareykanka iyo Midowga Yurub sida ay u garab taagan yihiin Dalka Soomaaliya.
Loading...
Loading...