Farmaajo "Natiijo Wanaagsan Ayaa Kasoo Baxday Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran"

0
Tuesday January 11, 2022 - 08:58:29 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1085
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo "Natiijo Wanaagsan Ayaa Kasoo Baxday Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran"

    Isagoo Madaxda Muqdisho ku shirtay ugu baaqay ay ka dhabeeyaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isagoo Madaxda Muqdisho ku shirtay ugu baaqay ay ka dhabeeyaan



Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi farmaajo, ayaa jeediyay Khudbad dhinacyo badan taabanaysa, oo uu kaga hadlay marxaladda siyaasadeed ee dalki marayo iyo arrimaha taagan.



Billowga Khudbadda Farmaajo ayaa ahayd mid uu inteeda badan kaga hadlay arrimaha Ciidanka xoogga iyo arrimo kale oo dhammaaantood ku gadaamnaa waxqabadka dowladdiisa, taasi oo uu sheegay in qabka qaranimada Soomaaliya, ay Dowladdiisa kor u qaaday, taasi oo sida uu sheegay ay Soomaaliya guulo waa weyn ka gaartay.


Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi farmaajo, ayaa ka hadlay Shirkii dhawaan Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay ee ay yeesheen madaxda Wadatashiga Qaran, kaasi oo laga soo saaray war-murtiyeed.

Farmaajo ayaa soodhaweyay go’aamadii kasoo baxay Shirka, waxaana uu carrabka ku dhiftay in qodobada ay soo saareen RW Rooble iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ay yihiin kuwo muhiim ah ah, oo dooarshada lagu jihaynayo.


Isagoo Madaxda Muqdisho ku shirtay ugu baaqay ay ka dhabeeyaan go’aamada ay muqdisho ku gaareen, oo ay fuliyaan qodobada kasoo baxay shirka Golaha wadtashiga qaran.


Ugu dambeyn Farmaajo ayaa sheegay in loo baaahan yahay in doorashada la dardar galiyo, oo aan dib loo dhigin doorashooyinka, sidoo kalena aan dalka qalalaase la galin.
Loading...
Loading...