Axmed Madoobe Oo La Kulmay Ergayga Dowlada Norway U Qaabilsan Soomaaliya

0
Tuesday January 11, 2022 - 08:45:09 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 550
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axmed Madoobe Oo La Kulmay Ergayga Dowlada Norway U Qaabilsan Soomaaliya

    Kulankan oo Madaxweynaha uu ku wehelinayay Gudoomiyaha Gobolka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulankan oo Madaxweynaha uu ku wehelinayay Gudoomiyaha Gobolka



Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Ahmed Mohamed Islaam (Axmed madoobe) ayaa kulan la qaatay ergayga Dowladda Norway u qaabilsan Soomaaliya.



Kulankan oo Madaxweynaha uu ku wehelinayay Gudoomiyaha Gobolka Jubada Hoose, Cabdirashiid Cabdullahi Gooni ayaa lagaga hadlay arrimo kala duwan oo ku aaddan siyaasadda dalka,gaar ahaan xaaladaha siyaasadedeed ee maamulka Jubbland.

Kulankaasi dhexmaray Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo ergayga Dowlada Norway u qaabilsan Soomaaliya Heidi Elburgi Johansen, ayaa si gaar ah loogu faaqiday arrimaha doorashooyinka iyo tageerada Dowlada Norway ee dhinacyada hormarka iyo dib u dhiska dalka.

Dhawaan madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa ka qayb galay Shirka Golaha wadatashiga qaran, kaasi oo lagu saxay habracyadii hore ee doorahooyinka.
Loading...
Loading...