Madhabaa In Difaaca Jidhku Sida Hargabka Uga Hortagi Karo Covid-19"

0
Tuesday January 11, 2022 - 08:44:18 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 957
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madhabaa In Difaaca Jidhku Sida Hargabka Uga Hortagi Karo Covid-19"

    "Unugyada T-cells qaarkood waxay dilaan unug kasta oo ay soo gaadho khatar gaar ah"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Unugyada T-cells qaarkood waxay dilaan unug kasta oo ay soo gaadho khatar gaar ah"

Cilmi-baadhis la sameeyey ayaa sheegaysa in difaaca dabiiciga ah ee jidhku kaga gaashaanto durayga ama hargabka caadiga ahi ay keeni karto inuu sidoo kale jidhki waxoogaa iskaga difaaci karo Covid-19.



Daraasaddan oo dad kooban lagu sameeyey laguna daabacay majallada Natur Communications, ayaa waxa ka qayb galay 52 qof oo meel kula noolaa qof markaas uun uu ku dhacay Covid-19.


Dadka habdhiska difaaca jidhkoodu uu yeeshay xasuus uu iska difaaci karo hargabka ku dhacay oo kale ayaa waxay arintaasi keentay in suurto galnimada uu ku qaadi karaan Covid.


Khubaradu waxay sheegeen in ay tahay in aanay dadku isku hallayn arintan difaaca jidhka ah ee daraasaddu sheegtay oo uu talaalku muhiim yahay.


Laakiin waxay rumaysan yihyiin in arintan la ogaaday ay ogaal faa'iido leh ka bixinayso qaabka habdhiska difaaca jidhku ula dagaalamo fayraska.


Covid-19 waxa keenay nooc ka mid ah fayraska korona, hargabka qaarkiina waxa keena noocyo kale oo fayrasyada korona ah, markaa saynisyahanno waxay is weydiinayaan in ay suuto gal tahay in difaaca jidhku sida uu ula dagaalamo nooc ka mid ah fayrasyadaasi uu jidhka uga caawin karo inuu nooc kalena ula dagaalamo.


Laakiin khubaraddu waxay ka digeen in ay noqon doonpo "gef weyn" hadii loo qaato in qof kasta oo dhawaan hargab ku dhacay uu si dabiici ah iskaga difaaci karo Covid-19 maadaama oo aan hargab oo dhan aanay keenin fayras yada korona.


'Qaab cusub oo talaal lagu heli karo'

Waxay diiradda ku saareen daraasaddooda qayb muhiim ah oo ka mid ah habka difaaca jidhka ee unugyada T-cells.


Unugyada T-cells qaarkood waxay dilaan unug kasta oo ay soo gaadho khatar gaar ah, tusaale ahaan fayraska hargabka oo kale.


Marka uu hargabku ka baxo jidhka unugyada T- cells qaarkood waxay ku sii jiraan jidhka oo wuu xusuusnaadaa waxaanay diyaar u ahaadaan inay difaacaan marka ay la kulmaan fayraska.


Bishii Sebtembar 2020, cilmi-baadheyaashu waxay daraasad ku sameeyeen 52 qof oo aan weli la tallaalin laakiin la nool dad hadda laga helay Covid-19.


Kala badh dadkaas ayuu ku dhacay Covid muddada 28 ka maalmood ee daraasaddu socotay intii kalena kuma dhicin.


Saddex meeloodow meel dadka aan qaadin Covid waxaa la ogaaday inay dhiigooda ku jiraan xaddi badan oo ah unugyada xusuusta gaarka ah yeeshay.


Dr Simon Clarke oo ka tirsan jaamacadda Reading ayaa sheegay in, in kasta oo tani ay ahayd daraasad yar ay hadana wax ku soo kordhisay fahamka habka difaaca jidhkeennu ula dagaallamo fayraska oo uu ka caawin karo tallaallada mustaqbalka.


Tallaalada hadda jira ayaa si gaar ah u bartilmaameedsada borotiinada ku dul samaysan dahaadhka fayraska, laakiin borotiinnada sare waxay ku beddeli karaan noocyo cusub.


Wuxuu sheegay in unugyada T-cells ee jidhku waxay bartilmaameedsadaan borotiinnada fayraska gudaha, kuwaas oo aan wax badan ka bedelin kala duwanaanshaha taas oo la macno ah tallaallada ka faa'iidaysta shaqada T-unugyada si dhow ayaa bixin kara ilaalin ballaadhan oo waarta oo ka dhan ah Covid.

 

BBC

Loading...
Loading...