"Maxkamadu Ma Baloodho Ayay Moodaysaa Golaha Wakiilada" Ciro

0
Monday January 10, 2022 - 14:42:49 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2032
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Maxkamadu Ma Baloodho Ayay Moodaysaa Golaha Wakiilada" Ciro

    "Waxaa la yaab leh in maxkamadu arin ayna awood u lahayn ay faraha ku hayso"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaa la yaab leh in maxkamadu arin ayna awood u lahayn ay faraha ku hayso"

Hargaysa (HWN) Musharaxa madaxwayne ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro ayaa ka hadlay khilaafka xeer 14 ee qaar kamid ah xildhibaanada golaha Wakiiladu Ugudbiyeen maxkamada Sare.



Waxaanu Ciro ka sheekeeyay dhacdo soo martay markii uu gudoomiyaha ka ahaa golaha Wakiilada iyo qaadbkii uu uwajahay

 

"Waxaa la yaab leh in maxkamadu arin ayna awood u lahayn ay faraha ku hayso, xeer 14 golaha wakiilada ayuu yaalaa, muusana isagaa iska soo diiday .


Wakhtigii  anigu golaha joogay xeer hoosaadka ayaanu badalnay, dabadeed ku xigeenkaygii ayaa maxkamada tagay markaas bay maxkamadiina warqad noo soo qortay ay leedahay xeerka sidiisii ku celiya , ana waraaq baan u qoray waxaan ku idhi maxkamadu ma baloodho ayay moodaysaa golaha wakiilada , maxkamadu baloodhada haka garnaqdo.


Arrrintaa waxaan u arkaa gaf , in xildhibaano ka tirsan golaha ay warqad aanu guddoomiyuhu saxeexin maxkamada geeyaan waa qayru sharci”. Murrashax Cirro

Loading...
Loading...