Wasiirka Caaafimaadka oo Xadhigga ka jaray Qaybo cusub oo lagu kordhiyay Cisbitaalka Qaaxada Hargeysa

0
Monday January 10, 2022 - 11:19:07 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 931
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Caaafimaadka oo Xadhigga ka jaray Qaybo cusub oo lagu kordhiyay Cisbitaalka Qaaxada Hargeysa

    Wasiirka Wasaarada Horumarinta Cafimaadka Somaliland Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaarada Horumarinta Cafimaadka Somaliland Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi


Wasiirka Wasaarada Horumarinta Cafimaadka Somaliland Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi ayaa shalay xadhiga ka jaray qaybo cusub oo lagu soo kordhiyay Cisbitaalka qaaxada ee Magaalada Hargeysa.


Wasiirka Wasaarada Horumarinta Cafimaadka Somaliland Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi oo hadal ka jeediyay xadhig ka jarista dhismayaashan lagu soo kordhiyay Cisbitaalka Qaaxada ayaa sheegay in baahida Caafimaadka aan laga dabooli katin Miisaaniyadda Wasaarada.Waxaanu yidhi”Caafimaadku wuu hawl badan yahay Xukuumadduna kaligeed kuma filna in baahida Caafimaadka oo dhan laga daboolo Miisaaniyadda Wasaarada Caafimaadka,waana in si hoose loo eego oo la daryeelo dadka qaba Xanuunka Qaaxada iyo Xanuunka dhimirka oo ku soo badanaya dalka oo loo sameeyo goobo lagu daryeeli karo,”.



Agaasimaha guud ee Wasaarada Horuamrinta Caafimaadka Somaliland Maxamed Cabdi Xargeeye oo hadal ka jeediyay isaguna halkaas ayaa waxa uu sheegay in lacagta ku baxday dhismayaashan ay bixisay Wasaarada Caafimaadka.Waxaana uu yidhi”Dhismayaashan lagu soo kordhiyay Cisbitaalka Qaaxada ee Hargeysa lacgta lagu dhisay waxa bixisay Wasaarada Horumarinta Caafimaadka,waxaana laga bixiyay sanduuqa Covid Covid ee Wasaarada Caafimaadka gacanta ku hayso,”.


Sidoo kale Agaasimaha Cisbitaalka Qaaxada Hargeysa Cismaan Cabdi Maygaag oo halkaas ka hadlay ayaa waxa uu uga mahadnaqay Wasaarada Caafimaadka dhismayaashan ay ku soo kordhisay Cisbitaalka
Loading...
Loading...