Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo furay Shirka Maayareda Maamul-daadejinta oo lagu Qabtay Caasimada Djibouti

0
Monday January 10, 2022 - 12:00:28 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1297
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo furay Shirka Maayareda Maamul-daadejinta oo lagu Qabtay Caasimada Djibouti

    Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Djibouti Amb. Cabdifataax Siciid Axmed, ayaa sheegay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Djibouti Amb. Cabdifataax Siciid Axmed, ayaa sheegay



Magaalada Jabuuti ee caasimada Jamhuuriyadda Djibouti, waxa ka furmay shirka Maayareda maamul-daadejinta dawladdaha hoose ee Jamhuuriyadda Somaliland Axaddii shalay, kaasoo socon doona muddo laba maalmood ah.



Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo booqasho ku joogga dalkaasi, ayaa furay shirkan oo ay qabanqaabisay Hay’adda UNDP, iyadoo maayarrada ka qaybgalay ay ku qaadan doonaan arragti wadaag iyo aqoon la xidhiidha hogaaminta suuban ee Maamulka dawladdaha hoose.


Maayareda ka qaybgalay shirka oo uu hoggaaminayo Cabdikariim Axmed Mooge duqa caasimada Hargeysa, ayaa ka kooban magaalooyinka uu ka socdo mashruuca maamul-daadejinta iyo isku-xidhka dawladdaha hoose, sidoo kale waxa ka qaybgalay agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha oo ay weheliyaan saraakiil sarsare oo ka tirsan wasaaraddaasi iyo Wakiilka Somaliland u fadhiya dalkaasi Amb. Cabdifataax.


Duqa caasimada Djibouti Faadumo Cawaale Cismaan, ayaa iyaduna kamida masuuliyiinta ka qaybgalay furitaanka kulanka, iyadoo hadal ay halkaasi ka jeedisay munaasibada si diirran ugu soo dhaweysay wufuuda martida u ah ee ka socda Jamhuuriyadda Somaliland.


Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Djibouti Amb. Cabdifataax Siciid Axmed, ayaa sheegay inay safaarad ahaan ka geysteen doorkii kaga aaddanaa suurtogelinta kulanka, waxaanu u mahad-naqay dawladda dalka Djibouti iyo maayarka Caasimada dalkaasi oo uu tilmaamay inay si mug iyo miisaan leh u soo dhaweeyeen weftiga culus ee uu madaxweyne ku-xigeenku hogaaminayo.


Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo kulanka furay, ayaa ugu horayn u mahad-naqay madaxda dalka Djibouti, maayarka caasimada Djibouti iyo dan-wadaagta mashruuca JPLG-ga, gaar ahaan Hay’adda UNPD, isagoo dhinaca kale ku dheeraaday ahmiyadda uu shirkani u leeyahay horumarinta magaalooyinka Waddanka.


Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, waxa uu ka qaybgaleyaasha ku booriyey inay diirrada saaraan waxyaabaha udub-dhexaadka u ah qorshaha mashruuca maamul-daadejinta dawladdaha hoose, kana faa’idaystaan afkaarta maalmaha uu socdo halkaasi laysku waydaarsanayo iyo duruusta la siinayo.


Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadd Somaliland waxa uu intaasi ku daray in madaxda dalka ay martida u yihiin ee Djibouti si qurux badan oo qiimo leh u soo dhaweeyeen.


Waa markii ugu horaysay ee shirka Maayarrada Degmooyinka JSL lagu qabto Dalka Djibouti caasimadiisa.
Loading...
Loading...