Musharrax Cirro Oo Hanjabaaddii Ugu Cuslayd U Diray Madaxweyne Muuse

0
Monday January 10, 2022 - 10:12:27 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1545
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharrax Cirro Oo Hanjabaaddii Ugu Cuslayd U Diray Madaxweyne Muuse

    "Muuse Warkiisu Waa Cad Yahay Waxa Uu Ka Doonayaa Muddo Kordhin" Ciro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Muuse Warkiisu Waa Cad Yahay Waxa Uu Ka Doonayaa Muddo Kordhin" Ciro

Burco, (HWN)- Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaas I adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed iyo muranka ka taagan arrinta xeerka ururrada isaga oo sheegay sida uu hadalka u dhigay haddii Madaxweyne Muuse Biixi sharciyadda ku soo noqon waayo in maamuus ka xayuubin lagu samayn doono sidaana uu qabo dastuurka dalku.



Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo khudbad Magaalada Burco ugu jeedinayay odayaal, waxgarad iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Togdheer ayaa waxa uu ku dheeraaday eedo culus oo uu u soo jeediyey Madaxweynaha Somaliland oo uu ku tilmaamay masuul si badheedh ah u diidaya in doorashada Madaxtooyadu dalka ka qabsoonto sannadkan isaga oo sheegay in uu muddo kordhin doonayo, halka uu ku dooday in WADDANI si walba maanta uga gacan sarreeyo xisbiga KULMIYE.


Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: "Madaxweynaha is baddalkii ugu horreeyey waxa uu ka muuqday maalintii uu Madaarka Berbera furayay. Waxa uu dagaal ku qaaday axsaabtii iyo guddoomiyayaashii xisbiyada Mucaaridka ah. Waxa kale oo uu baajiyey kulamadii uu la lahaa Komishanka doorashooyinka qaranka oo aanu illaa maanta la kulmin. Tan macnaheedu waxa weeyi in uu dariqii doorashada ka leexday. Waxa uu bilaabay jawi muran dastuuri iyo khalkhal siyaasadeed ah. Muuse warkiisu waa cad yahay waxa uu ka doonayaa muddo kordhin, ururradani waa ku gabasho. Waxa aan diyaar u ahay anigu in wax sharci darro ah qiime kasta haddii ay ku kacayso in aanan sinaba u aqbalin. Ururradu waxa ay ku furmayaan sharci xeerka ururrada furaana waa xeer Nambar 14/2011 oo dhaqan galay markii aan Golaha joogay. Xeer can ka mud ah oo ah kaabis iyo wax ka baddal Golihii hore sameeyey isna uu soo diiday oo warqad saddex bog ah uu ku soo diiday oo uu ku tilmaamay qayral dastuuri sababtoo ah waxa uu ka hor imanayaa doorashada Madaxweynaha sida uu ku sababeeyey, waxa uu ka hor imanayaa doorashadii Guurtida. Balse waxa uu fursad u arkay khilaafkii Golaha Wakiillada ka dhex qarxay kadibna halkaasi ayuu muranki I uu doonayay ka bilaabay. Go’aanka xisbiga WADDANI iyo axsaabta Mucaaridka ah iyo aniga oo Musharrax Madaxweyne ah waxa weeyi in aannaan sinaba u ogolaanin wax sharci darro ah. Waxa aanu isku dayaynaa in aanu dariiq walba oo sharci ah ku soo celino dalka khalkhal galin mayno, waayo in aan madax ka noqono ayaanu doonaynaa. Dastuurku waxa uu madaxweynaha ku waajibinayaa in uu shuruucda ilaaliyo waxaany ku waajibinayaa haddii uu ka leexdo waxa uu mutaysanayaa maamuus ka xayuubin wax la yidhaahdo, waxaana maamuus ka xayuubintaa leh Golaha Wakiillada. Haddii uu sidaa ku wado way iman doontaa oo waa laga xayuubin doonaa”.


"Xisbiga WADDANI waa uu koray muddodii uu jiray waana xisbiga ugu da’da yar. Waxa uu noqday xisbiga ugu weyn maanta dalkeena. Xisbul xaakim baa jira oo KULMIYE la yidhaa. WADDANI waxa uu siyaasaddii kaga adkaaday KULMIYE. Waxaana marag ka ah doorashadii ugu dambaysay isaga oo xisbul xaakim ah ayaynu ka adkaanay. Golayaasha deegaanka Lixda Gobol Berbera ayuu ka helay. Golihii Wakiillada Mucaaridku 52 xildhibaan ayay heleen. WADDANI-na xisbiga ugu ballaadhan ayuu noqday. Shir-guddoonkii aad ogaydeen dagaalkii ka dhacayna waa lagagaguulaystay xukuumadda oo Mucaaridka ayaa ku guulaystay. Waxaan qabnaa siyaasaddii Arrimaha dibadda in aan kaga guulaysannay oo aannu kalsoonida beesha caalamka kaga guulaysannay. Maanta WADDANI cid kasta oo cilmi baadhis samaysay ama gaalo ha noqoto ama Muslim ha noqotee sma Soomaali ha noqotee, ama mid WADDANI taageersan ama mid ka soo hor jeedee waxa ay isku waafaqsan yihiin haddii doorasho la qabto WADDANI baa helaya, taasi waa ta Muuse tiinka jiidhsiisay ee sharcigii la leexisay”. Ayuu yidhi Musharrax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi.

Loading...
Loading...