Siyaasi Cali Guray Oo Sheegay Murashixiinta Xaqa Uleh Inay Galaan Doorashada Madaxtooyada

0
Monday January 10, 2022 - 10:03:53 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2845
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Cali Guray Oo Sheegay Murashixiinta Xaqa Uleh Inay Galaan Doorashada Madaxtooyada

    "Dhinaca kale khilaafkan wuu ka hordhacay wakhtigiisii ee waa khilaaf inagu soo fool leh"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dhinaca kale khilaafkan wuu ka hordhacay wakhtigiisii ee waa khilaaf inagu soo fool leh"

Hargeysa, (HWN)- Xildhibaan Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland ee inta badan ka faallooda xaaladda siyaasadeed ee hadba taagan muddooyinkii dambena si weyn uga hadlayay xaalada muranka siyaasadeed ah ee dalka ka taagan ayaa waxa uu sheegay in doorashooyinka saddexda ah ee innagu soo foolka leh haddii ay mid kastaa wakhtigeeda ku qabsoonto in ay taariikh weyn oo guul ah u noqonayso Somaliland isaga oo sheegay in doorashada Madaxtooyada saddexda Musharrax ee xisbiyadu yihiin kuwa xaqa u le in ay ku tartamaan maadaama shahaadada xisbiyada hadda jiraa dhacayso Diisambar 26-keeda sannadkan.



Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa facebook oo dhinacyo badan taabanaya waxa uu ku yidhi sidan: "Sannadkan 2022 Somaliland waxa ku soo fool leh saddex doorasho. Haddii sadexduba ay wakhtiyadooda ku qabsoomi karaan waa guul aanay Somaliland hore u soo marin haddii daacad laga yahay oo ay run tahay sidii uu ballan qaaday Madaxwayne Muuse in la qabanayo saddexdaba weliba mid waliba ay wakhtigeeda ku qabsoomayso sida ay u kala horeeyaanna loo kala hor qabanayo.


Waxa ugu horaysa DOORASHADA GUURTIDA oo laga yaabo in aanay noqon doorasho toos ah ee noqon doonto doorasho dadaban oo aanay xisbiyadu kaalin ku lahayn  Sida aan filayo hadii ay run tahay oo Madaxwayne Muuse ay ka go’an tahay waxay noqon doorashadii labaad ee lagu soo doorto Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland markii labaad muddo 25 sanadood ah (97-2022). Runtii anigu guul wayn oo wax-ku-ool ah baan u arkaa hadii ay rumowdo


Doorashada labaad ee ku xigtaa waa DOORASHADA MADAXTOOYADA oo mudaysan 13 November 2022. Xaq waxa u leh in ay ku tartamaan mushariixiinta sadexda Xisbi Qaran oo shahaadadahoodu ay ansax yihiin ilaa 26 December.


Doorashada sadexaad ee ku xigtaa waa doorashada XISBIYADA IYO URURADA oo ay ku tartami doonaan sadexda xisbi qaran iyo ururada siyaasaddu natiijadeedana ay ku soo bixi doonaan sadex xisbi qaran oo muddo 10 sanadood ah iyagu haysan doona masraxa siyaasadda Somaliland. Ururada Siyaasadana ciddii danaynaysaa waxay xaq u leedahay in ay furato lix bilood ka hor oo noqonaysa June 2022.


Waxa beryah dambe dhegaha dadwatnaha ka batay muran ku saabsan furista ururada waxanu ka dhashay hadal uu Wasiirka Warfaafintu isaga oo wakiil ka ah Madaxwaynaha uu yidhi bishii December 2021 yidhi "laga bilaabo hadda ururada siyaasadda waa fasax oo waa la furan karaa”, isaga oo runta og Xeer Lam. 14na ay ku caddahay goorta la furan karo oo ah June 2022. Markiiba hadalka wasiirka waxa gaashaanka ku dhuftay xisbiyada mucaaridka oo iyagu sheegay in warka uu sheegay wasiirku uu waxba kama jiraan yahay sharcigana baal marsan yahay. Marka ay sidaa tahay horta yaa diidan furista ururada?


Dad badan oo iska hadlayaal ah ayaa waxay warbaahinta caadiga ah iyo Baraha Bulshadaba wareejiyaan in xisbiyada mucaaridku ay yihiin kuwa iyagu diidan furista ururada? Runtiina cidda diidan in la furo ururadu iyadoo xeer Lam. 14 la raacayo maaha xisbiyada mucaaridka ee waa Madaxwaynaha iyo xukuumadiisa hadii inta aan soo sheegay aanay been ahayn ee run tahay.


Dhinaca kale khilaafkan wuu ka hordhacay wakhtigiisii ee waa khilaaf inagu soo fool leh oo ugu fabaysta halka lagu socdaa aanay ahayn furista ururada balse waxa la isku hayaa uu yahay wax kale. Hadii aanay ku socon in Doorashada Madaxtooyada meeshaba laga saaro wixii kaleba waa sahaale. Waayo shirqool Lam.14 wuu socdaa xeerkina Maxkamadda Sare ayuu ku maqan yahay waana falaadhii cirka loo ganay”. Ayuu yidhi Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf oo Cali Guray loo yaqaannaa.

Loading...
Loading...