Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo digniin u diray Ciidanka Xoogga Dalka.

0
Monday January 10, 2022 - 09:44:14 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1012
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo digniin u diray Ciidanka Xoogga Dalka.

    Wasiir Cabdiqaadir ayaa ku sii daray hadalkiisa"Cidii ku cadaato waxaa laga qaadi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Cabdiqaadir ayaa ku sii daray hadalkiisa"Cidii ku cadaato waxaa laga qaadi





Wasiirka gaashaandhiga XFS Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa digniin u diray Ciidanka Xoogga Dalka, asiga oo sheegay inay ku ekaadaan waajibaadkooda Qaran.



Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooka ayuu ku yiri"Iyadoo la dhowrayo Shuruucda Dalka, waxaan mar labaad Ciidamada Xooga Dalka (CXD) farayaa iney ku ekaadaan waajibaadkooda qaran ayna ka fogaadaan iney ku milmaan siyaasadda, ama loo adeegsado siyaasadda.”


Wasiir Cabdiqaadir ayaa ku sii daray hadalkiisa"Cidii ku cadaato waxaa laga qaadi doonaa talaabo waafaqsan shuruucda dalka.”


Hadalka Wasiirka ayaa ku soo aadaya xilli RW Rooble uu faray ciidanka Xoogga Dalka inaysan ku milmin siyaasadda ayna ka ama qaataan asiga, dhanka kale RW ayaa faray CXD inaysan ka amar qaadan Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka dib afgambigii dhicisowbay 27 December 2021 ee ka dhacay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo kan Xukuumadda.

Open photo

Loading...
Loading...