Maxaa Ka Qaldan Xisbiyada Siyaasada Ee Somaliland

0
Monday January 10, 2022 - 09:21:26 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1179
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Ka Qaldan Xisbiyada Siyaasada Ee Somaliland

    W/Q: Rashiid J. Farah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Rashiid J. Farah

1.     XISBIGA WADANI MAXAA KA QALDAN EE U BAAHAN SAXID  

 

Xisbiga wadani waa mid ka mida xisbiyada siyaasada ee Somaliland waana xisbiga ugu da’ada yar xisbiyada Somaliland waxaana uu xisbinimada ku guuleystey dabayaaqadii  sanadkii 2012 ka dib markii xisbiga UDUB oo ka mid ahaa xisyadii ugu waaweynaa Somaliland uu ku hadhay doorashadaii xisbiyada. 



Xida aan ka soo xigtey From Wikipedia 

Xisbiga waxaa aasaasey Abdiraxmaan Mohamed Abdullahi (Ciro).  

Xisbiga Wadani waxaa lagu tilmaamaa sida dadka wax ka faaleeya siyaasada ee aan reer Somaliland ahayni inuu yahay xisbi   populist ah   Sida uu qoray Adèle Stebach (Europe Elects), xisbiga wadani dhaqaale ahaan waa mid ah dhinaca bidixda (left).  


Marka xisbiyada Somaliland ee hada shaqeenaya laga eego dhinaca taariikhda Xisbiga Wadani waa midka ugu da yar xisbiyada Somaliland waxaana uu ku soo baxay doorashadii ugu dambeysey ee furitaanka Xisbiyada Somaliland oo la qoondeeyey 10 sano ba in mar la furo. 


Sideedaba marka xisbi cusub oo siyaasadeed la furo marka ugu horeysa waxaa ku soo shubma dad kale duwan oo kala afkaar ah sida:  


  • Kuwo Xisbiyada kale ee jira Meel ka waayey  
  • Kuwo u arka in ay xisbigan isku afkaar yihiin oo taageersan banaamujka guud ee xisbiga iyo himiladiisa siyaasadeed  
  • Kuwo raba in afkaartooda ku dhexfidayaan xisbigan curdinka ah  
  • Kuwo ku soo fashilmay siyaasada  
  • Iyo Qaaybo ka mid ah xubnihii xisbigii guul dareystey eek u hadhey tartanka  
  • Kuwo ka mid ah hayadaha sirdoonka ee qarsoon  
  • Iyo Kuwo la dhacsan xisbigan cusub oo arintoodu tahay wixii cusuba caalamkaa Jecel.  

    Hadaba ilaa sanadka ugu horeeya xisbi kasta oo dhismay waxaa uu la halgamaa isbarashada madaxda xisbiga iyo kala shaandheenta xubnaha xisbiga dhexdiisa ah waxaa ka dhex bilaabma kala hufid iyo kala haadin, hadii marxalaadaasi uu ka gudbo xisbigu wuxuu noqdaa xisbi hal hadaf leh oo iska shaandheeyey xisbi ku dhexnoolihii taasi waa qaaciido guud ee xisbi kasta oo cusub oo siyaasiya.  

    Hadii aan si cilmi ah u falanqeeyo Xisbiga Wadani waxaa aan aniga oo dan kale ka lahayn balse tilmaamaya waxayaabaha uu ku qaldan yahay xisbi ahaan una daliishanaya wixii iiga muuqday intii uu jirey waxaa ku soo koobi karaa sidan:  

    Sida lagu daabacay Wikipedia waxaa lagu jeegay weedhahan:   

    Clans are important in Somaliland politics. According to the ISS, Waddani's base is the Habr Yunis sub-clan of Garhajis Isaaq, the sub clan of the founder Abdirahman Mohamed Abdullahi.[7]  

     

     

    Hadaba hadii aanu intaa kaga baxno taariikhda guud ee Xisbiga Wadani waxaa aynu tilmaamaynaa khaladaanka ka dhex jira xisbiga Wadani ee dhinac walba oo ka mida doorka xisbinimo.  

    Hogaanka Xisbiga  

    Xisbiga waxaa la tilmaamaa in aanu ahayn xisbi dumuqraadi ah taasna waxaa saldhig u ah in aanu ahayn xisbi furan oo hogaankiisu yahay mid ka madax banaan rabitaanka shaqsiga ah taasna waxaa lagu saleeyaa in xisbiga Aas aasihiisa oo lagu tilmaamo Cabdiraxmaan Ciro inuu yahay mulkiilaha xisbiga, dadka aragtidaa qabaa waxay kale oo ay sheegaan in uu xisbigu yahay xisbi qabiil
    Sida lagu daabacay Wikipedia waxaa lagu sheegay weedhahan:   

    Clans are important in Somaliland politics. According to the ISS, Waddani's base is the Habr Yunis sub-clan of Garhajis Isaaq, the sub clan of the founder Abdirahman Mohamed Abdullahi.[7]  

    Arintaasi ma aha mid sax ku ah sharciyada furashada xisbiyada Somaliland,waana arin u baahan in hayadaha fulinta sharcigu baadhaan waxaa ka jira,waxaa aad arkeysaa in aanu xisbiga Wadani beeneyn jiritaanka arintaasi.  

    Dad baa ku doodi doona in hada uu nin kale uu xisbiga Gudoomiye ka yahay Ninkaas oo ahayn Habar-Yoonis ama Garhajis waa run balse dad badani waxay aaminsan yihiin in la kala gatey oo xisbiga ku wareegey qaab aan shirci ahayd arintaasi waa mid iyaduna u baahan in la cadeeyo.  

    Magaca Xisbiga  

     

    Magaca Xisbiga ee Wadani (Patriotic Party) inta badan waxaa la baxa xisbiyada xag jirka fikriga ah qaba sida xisbiyada muxaafidka xag jirka ah ee yurub,Afrika iyo meelo badan oo caalamka ka mida kuwaas oo la baxa Wadani iwm.  

     

    Taas dadka qaarkii waxay u fasirtaan Wadani waa xag jir fog oo Habaryoonis ah taasna waxay tusaale u soo qaataan taageerayasha xisbiga oo ay ku jiraan una badan Xubnaha ugu xagjirsan ee dhinaca qabyaalada kuwaas oo ay ka mid yihiin dad ku can baxay Cayda Qabaailka kale gaar ahaan Habar-Awal inkasta oo malaha ay hoos u dhicidoonto imika kol hadii xisbigii lagala wareegay.  

    XISBIGA IYO SOMALILANDNIMADA  

    Xisbiga Wadani dad badani waxay qabaan inuu yahay ujeedo badan oo aanu daacad ka ahayn siyaasada Somaliland ee gooni isku taaga Somaliland dadka arimahaasi ku doodaa waxay cadeemahooda u cuskadaan :  

1.     Aas aasihaha xisbiga Cabdiraxmaan Ciro inta badan laguma arko munaasibadaha Madax banaanida Somaliland gaar ahaan 18 May sida dad badani ku doodaan wuu ka dhuuntaa munaasibadaahaasi oo dalka waa uu ka baxaa ama hawlo kale oo aan muhiim u ahayn ayuu ku raad gataa.  

2.     Waxaa uu Xisbiga Ku soo dhaweeyaa dadka ku Caanbaxay ka soo horjeedka qadiyada Somaliland ee aaminsan siyaasada Somaliweyn  

3.     Inta badan lama arko wax olole ah oo xisbigu iyo hogaanku ugu jiro qadiyada Somaliland ee citiraafkeeda halka inta badan aad arkeysid iyaga oo difaacaya madaxda Somaliya ee aan xitaa ogoleen in ili u baxdo Somaliland marka dawlada Somaliland ka hadasho siyaasada cadawnimada ah ee Somaliya siyaasiinteedu kula dagaalamayaana isgarabtaaga Somaliya Siyaasiintooda iyaga oo madaxda Somaliland dhaliilo huwiya.  

4.     65% boqolkiiba dhaliilaha xisbiga Wadani uu soo jeediyaa waa kuwo aan ahayn kuwo la dersay xaqiiqo ah balse salka ku haya dhaliilo aan raad lahay balse u badan dano shaqsi,shaqsi nacab iyo buraanburo u eeg kuwa hooyoyinka aroosyada xafladahooda loo soo kireysta ee u badan faanka iwm.  

5.     Tayada Xisbiga ee Website ka xisbiga markaad ka eegtid dhinaca media xisbiga website kiisu waa mid aanad ka heli Karin macluumaad muhiim ah oo ku saabsan siyaasada xisbiga taariikhdiisa waxqabadkiisa barnaamujyadiisa siyaasadeed iyo xitaa qadiyada Somaliland iyo citiraafkeeda iyo arimo badan oo la xidhiidha hawlaha siyaasadeed bulsho ee wadanka,dhinaca wacyigelinta isku xidhka bulshada intaas oo dhamiba waxay tilmaamayaan in xisbiga wadani aanu hayn Istiraatiyad  iyo aragti cad oo u qorsheysan in uu dadka la wadaago.  

(All of this indicates that the Patriotic Party does not have a clear strategy and vision to share information with the people.)  

 

Lasoco qaybaha dambe  

 

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...