RRU La Wareega Xarunta Waddani. Qore Mukhtar Cilmi

0
Monday January 10, 2022 - 09:06:47 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1277
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RRU La Wareega Xarunta Waddani. Qore Mukhtar Cilmi

    Asalaamu calaykum waraxmatulaahi Wabarakaato.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Asalaamu calaykum waraxmatulaahi Wabarakaato.

Xisbi mucaarid oo hoggaminta qaranka loolan ugu jira ayaa ku baaqaya dagaal dawladda lala galo. Caadiyan cida ku baaqda in dawladda dagaal lala galaa waa cid dalka iyo dadka Somaliland kula jirta dagaal, oo ku suntan cadawnimo qaran.Haseyeeshe odhan maayo Xisbiga waddani wuxuu ka mideysan yahay aragtidan gurracan ee heer dagaal gaadhay.xirsi iyo Cirro labadooda isma dhaamaan labadooda oo dagaal ku baaqay si sharciga dalka yaala loo jabiyo. Haday se ka jawaabi waayaan waa xalad caal waa iyo quus siyaasadeed ku ah xisbiga waddani. Waa dhabarjabka iyo dux la' aanta madaxda xisbiga waddani.Waxan ugu baaqayna ciidanka RRU in ay la wareegaan xarunta waddani ,waxayna noqotay xarun nabada kasoo horjeeda oo khalkhal rabta in at dalka galayaan. Waxa igu maqaal ah in Xisbiga Waddani uu samaystay Liis dhallinyaro ah oo uu u bixiyay 'Al-Mujaahidiin Fil Xisb', kuwaas oo lagu tashkiiliyo in ay askarta xoog kala hor yimaaddaan, qoryaha ka qaadaan, si indho la'aan ahna iskaga caabiyaan ciidamada ka hor taga rabshadaha marka xisbigoodu fawdo wado. Somaliland guud ahaanteed nabad baa u dan ah, ninka fawdo iyo rabshad kursi baad ku fuuli is lahoow si qaldan baad qiyaasta u qaadatay.

 

Ugu danbeyntii, waa hubaal in ay cawaaqib xumo tahay in xirsi ku tiraabo erayo colaad ah iyo aafo dagaal oo dadkan jamhuuriyadda Somaliland ka jibo dhigay. Waase qorshe u dahsoonaa kooxdii barakayaasha siyaasadda ee hor boodayo Xirsi iyo marti galiye Cirro. Waa fashiliin 10 sanadood at siyaasada ku jirin ku fashilmay imikana lacag ku dawarsada dagaal baanu kicinayna !!, wakhtigiini dhamaa ururadana way furan yihiin nabadgalyo.



Ugu danbayn waxaan faraya ciidamada RRU da in ay la wareegaan xarunta waddani iyo poliska somaliland oo la wareego xarumaha kale ee waddani gobolada si ku meel gaadh ila may 2022 marka ay xisbiyada ururu noqdaan oo tartanka bilaabmo...

 

Qore mukhtar cilmi

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...