Macluumaad iyo Xogo Ku Saabsan Qanjidhka Prostate-ka.

0
Monday January 10, 2022 - 09:00:27 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1093
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Macluumaad iyo Xogo Ku Saabsan Qanjidhka Prostate-ka.

    Qaliinkii: Sadam Osman Kaabash.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaliinkii: Sadam Osman Kaabash.

Qanjidhka "Prostate” waa xubin ka mid ah, qaybna kamid ah habdhiska taranka ee ragga. Saynisyahanadu ma hubaan, welina may caddayn waxa saxda ah ee keena kansarka ku dhaca qanjidhka prostate-ka. Laakiin waxay heleen asbaab saamayn kuyeelata , kana qayb qaadata in qanjidhka prostate uu ku dhaco kansar. Ragga inta badan ay la soo deristo xanuunka ku dhaca kansarka qanjidhka prostate, waxa u fudud in ay qaadaan caabuqyo kale.

 

Haayadda Caafimaadka Adduunka (WHO), waxay caddaysay in nooca gasiinka ee raggu cunaan ay jaanis u siiso in uu qaado xanuunkan. Tusaale: ragga cuna hilibka xioolaha ee baruurtu ku badantahay waxay u  nugulyihiin in ay qaadaan kansarka ku dhaca qanjidhkan.

 

Qanjidhka Prostate waxa uu leeyahay qaabka lawska oo kale, waxaanu u dhaxeeya kaadi haysta iyo xubinta taranka ee ninka (Penis). Qanjidhkani waxa uu dusha sare kaga yaalaa afka hore ee duburta(Rectum). Tuunbada (Urethra) kaadida ka soo qaada kaadi haysta ayaa si qummaatiya u soo dhex marta, tuunbadan oo kaadida dibada uga soo saarta jidhka. Qanjidhkani waxa uu soo saaraa dareere nafaqaysan oo kaalin laxaad leh ka qaata ilaalinta biyaha taranka ninka.

 

Haayadda Caafimaadka Adduunka ( WHO), waxay leedahay sanadkii waxaa kansarkan ku dhaca qanjidhka Prostate u dhinta 250,000 oo nin. Ururka kansarka Maraykanku waxa uu leeyahay jimicsigu waxa uu caawiyaa khatarta in ninku qaado kansarka ku dhaca qanjidhkan. Sidoo kale dadka ugu badan ee xanuunkani ku dhacaa waa da’aada lixdan jir iyo wixii ka weyn.

 

Intabadan kansarkani waxa uu u bilaabmaa si tartiib-tartiib ah, xattaa kansarka qaar ma sababo dhibaato badan, kaas oo dhakhaatiirtu ku taliyaan in laga jaro qofka qanjidhka.  Waxaa jira mararka qaar in xanuunkani yahay mid aad u fidaaya, yahayna kansarka nooca aadka ugu fida xubnaha kale ee jidhka, loona yaqaano kansarka noca faafa(metastasi).

 

Qanjidhka prostate-ku waa uu waynaadaa xajmi ahaan marka kansarku haleelo. Laakiinse, markasta oo ninka da’diisu sii waynaato waxaa sii ballaadha xajmiga qanjidhka isaga oo aan xanuun jirin, waana xaalad caadiya. Xajmigaas qanjdihka ee ballaadhay waxa uu xannibaya ama xidhayaa dhuuntii kaadida ka soo qaaadaysay kaadi haysta ee dibada u soo saaraysay taas oo keenaysa xanuun marka uu ninku kaajayo. Bararka ku yimaada qanjidhkan ayaa sababa dhibaato ninku uu dareemo marka uu u galmoonayo gabadhiisa. Sidoo kale, waxa uu dhabarka iyo bawdyaha ka dareemayaa xanuun joogto ah.

 

 

 

sadam Osman Kaabash.

hargeysa somailand.

freelance graphic design and Video editor.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...