Midowga Musharixiinta Oo Caddeeyay Qoqifkooda Qodabadii Kasoo Baxay Shirkii G/Wadatashiga Qaran

0
Monday January 10, 2022 - 08:45:48 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 883
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midowga Musharixiinta Oo Caddeeyay Qoqifkooda Qodabadii Kasoo Baxay Shirkii G/Wadatashiga Qaran

    " Goluhu wuxuu adkaynayaa in Ra'iisul Wasaaraha iyo golaha Wasiirada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

" Goluhu wuxuu adkaynayaa in Ra'iisul Wasaaraha iyo golaha Wasiirada


Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa soo dhaweeyay Warmurtiyeedkii kasoo baxay Golaha wadatashiga, iyaga oo bogaadiyay tixgelinta la siiyey talooyinkii uu soo jeediyey ee ku aaddanaa sixitaanka habraaca doorashooyinka.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Golaha ayaa waxaa lagu sheegay in Goluhu uu adkaynayo in Ra’iisul Wasaaraha iyo golaha wasiirada ay si buuxda masuul uga yihiin amniga dalka, madaxweynihii horena uu ku ekaado murashaxnimadiisa ayna rajeynayaan in madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ay is waafajiyaan habraaca iyo habdhaqanka doorashada.


” Goluhu wuxuu adkaynayaa in Ra’iisul Wasaaraha iyo golaha Wasiirada ay si buuxda masuul uga yihiin amniga dalka, madaxweynihii horena uu ku ekaado murashaxnimadiisa. Goluhu wuxuu soo dhowaynayaa ballanqaadka Ra’iisul Wasaare Maxamad Xuseen Rooble ee ku aaddan mas’uuliyadda xukuumadda ee Amniga dalka ayaa lagu yiri” Qoraalka Midowga Musharrixiint.


Sidoo kale Golaha ayaa ku boorriyay Ra’iisul Wasaaraha in uu xil iska saaro dhaqangalka habraacyada, korjoogtaynta daahfurnaanta doorashada, furitaanka saaxadda siyaasadda oo ay ugu horrayso xorriyadda muddaaharaadka, kulammada, ololaha, safarka, iyo warbaahinta qaranka oo loo oggolaado musharrixiinta.




Loading...
Loading...