Guddoomiye Qodax oo ka Hadlay Shaqaalaha Dawladda iyo Taageerada Xisbiyada

0
Monday January 10, 2022 - 08:27:06 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 879
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Qodax oo ka Hadlay Shaqaalaha Dawladda iyo Taageerada Xisbiyada

    Guddoomiye Qodax ayaa sheegay in shaqaale weynaha qaranku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye Qodax ayaa sheegay in shaqaale weynaha qaranku



Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Khaalid Jaamac Qodax ayaa beeniyey in qof shaqaale ah loo eryey taageero uu u muujiyey Xisbiyada mucaaradka Jamhuuriyadda Somaliland.

Guddoomiye Qodax ayaa sheegay in shaqaale weynaha qaranku ay xor u yihiin taageerada Xisbiyada balse ay jiraan waxyaabo ka reebban, waxaanu yidhi "Qaranku waxa uu ku shaqeeya xeerar iyo nidaam iyo baratakool, cidkasta oo shaqaale ahna wuu qabta, lamana kala jecla muxaafid iyo mucaarid qofkuna xor ayuu u yahay xisbiga uu taageerayo iyo cidda uu u codaynayo, balse shaqaale weynaha waxbaa ka reebban dhab ahaantii waajibaad ayaa lagu leeyahay iyaguna waajibaad ayay Qaranka ku leeyihiin”


Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Khaalid Jaamac Qodax ayaa sababta shaqada looga caydhiyo qofka taageera xisbiyada mucaaradka balse aan tallaabo looga qaadin qofka Xisbi Xaakimka iyo xukuumadda taageera, ayaa kaga jawaabay. "Wararka suuqa la isla dhex marayaa waa kuwa kutir kuteen ah, qofka shaqaalaha ahina xuquuq iyo waajibaad ayuu leeyahay, dastuurka iyo xeerarku ay jideeyeen illaa heer maxkamaddeedna gaadha, shaqaalaha annagu waanu u hiilinaa balse iyaguna kama sarreeyaan xeerarka iyo sharciga”
Loading...
Loading...