Soomaalida Oo Si Weyn Uga Argagaxday Gabadh Dambas La Cunsiiyay

0
Sunday January 09, 2022 - 21:05:37 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1865
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaalida Oo Si Weyn Uga Argagaxday Gabadh Dambas La Cunsiiyay

    "Waxay cuntay rootigii carruurta, halkan ayayna noo jiiftaa,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxay cuntay rootigii carruurta, halkan ayayna noo jiiftaa,"

Saacadihii la soo dhaafay, waxaa si weyn baraha bulshada ee ay Soomaalida ku wada xiriirto loogu baahiyay muuqaal si bani'aadannimada ka baxsan loogula dhaqmayo gabar shaqaale ah oo lagu tilmaamay inay tahay Itoobiyaan.



Laba dumar ah oo ku nool deegaan Soomaaliyeed oo aan ilaa hadda si dhab ah loo aqoonsan ayaa wax aan la daawan karin ku sameynayo gabar jaariyad ah oo ay magaceeda ku sheegeen "Janno".


Muuqaalka oo 11 daqiiqo ah ayaa haweenkaas Soomaalida ah waxa ay gabadha ku qasbeen inay cunto rooti qalalan oo ay dhulka ugu tuureen. Kadib waxa ay ku amreen in rootiga ay ku cunto dambas, arrintaas oo waxyeello caafimaad u horseedi karta.


Haweenka labada ah ayaa garaac iyo aflagaado xun isugu daran gabadhaas u muuqatay mid ku nool xaalad gumaysi oo kale ah.


Mid ka mid ah gabadhahaas ayaa la maqlayaa iyadoo gabadha jaariyadda ah ku qasbeysa inay xirato weji-xirka, iyadoo sheegtay inay ka baqayso in la xiro.


"Waxay cuntay rootigii carruurta, halkan ayayna noo jiiftaa," ayay ku eedeeyeen "Janno".

Gabadha oo ku hadlaysay af-Soomaali jajaban ayaa mar gacmaha cirka u taagtay si ay Alle uga barido inuu ka saaro sílica ay ku jirtay.


Markii ay cuntay rootiga dambaska leh, ayaa waxa ay labada dumar si arxan darro ah ugu qasbeen inay fadhiga ka kacdo, waxaana ay ku cabatay in ay "lugta xanuuneyso oo ay bir uga jirto".


Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa ka hadashay muuqaalkan.

"Baraha bulshada ayuun baan ku aragnay muuqaalkaa, ilaa hadda run iyo been kuu yahay ma kala saari karno, cid noo soo dacwootayna ma jirto xitaa magaalada muuqaalka laga duubay ilaa hadda sax ahaan shaheeda ma hubno," Wasiirka shaqo gelinta iyo arrimaha bulshada Somaliland, Mustafe Maxamuud Cali ayaa BBC-da u sheegay.


Soomaalida ayaa baraha bulshada, gaar ahaan Facebook ku muujiyay argagaxa ay qaadeen falkan gurracan, waxaana kamid ah:


Dhacdo noocan oo kale ah ayaa sanad kahor ka dhacday magaalada Hargeysa, kaddib markii baraha bulshada uu qabsaday muuqaalka gabar yar oo jaariyad ah oo si xun loola dhaqmayo. Caro arrintaas ka dhalatay ayaa waxay horseedday in gabadhaasi shaqo laga siiyo Bankiga Somaliland.

 

BBC

 

 

Loading...
Loading...