Ciidanka Oo Ka Hadlay Laba Caruur Ah Oo Ku Geeriyooday Dab Qabsaday Gurigooga

0
Sunday January 09, 2022 - 20:14:48 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 943
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Oo Ka Hadlay Laba Caruur Ah Oo Ku Geeriyooday Dab Qabsaday Gurigooga

    "Caruurta ayaa ahaa mataano da'adoodu ahayd 9 bilood"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Caruurta ayaa ahaa mataano da'adoodu ahayd 9 bilood"

Dila (HWN) Laba Caruura oo mataano ah ayaa maanta ku dhintay dab qabsaday hoygii ay ku noolaayeen oo ku yaala degmada Dila ee gobolka Awdal gaar ahaan xaafada Laanta Hawada.

 

Ciidanka Dab-demiska Awdal oo gurmad u fidiyay ayaa damiyay dabka oo guriga wada haystay, sidoo kalena caruurta guriga dusha lagaga xidhay. Ciidamada ayaa si degdega goobtaa u gaadhay, waxaana ay damiyeen dabkii, Isla markaana ka soo saareen maydka caruurtii.

 

Caruurta ayaa ahaa mataano da'adoodu ahayd 9 bilood , waxaana magacyadoodu kala ahaayeen Muuna Cabdiraxmaan Jaamac iyo Mahdiya Cabdiraxmaan Jaamac. Intaa kadib ciidamada ayaa baadhista iyo maydkii ku wareejiyay maamulka degmada.

 

Ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan tacsi uga dirayaa qoyskii ay ka baxeen labadaa caruuri, waxaanu ilaahay uga baryaynaa in beddel kheyr leh siiyo. Dhanka kale ciidamadu waxay marwalba bulshada uga digayaan dhacdooyinka noocan oo kale ah, kuwaasoo waayadan dambe soo noq noqatay.


Loading...
Loading...