"Puntland Faa'iido Kamay Helin Xad-gudubka Ay Soo Xad-gudubtay" Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale

0
Friday May 24, 2019 - 08:58:48 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3820
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Puntland Faa'iido Kamay Helin Xad-gudubka Ay Soo Xad-gudubtay" Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale

    Hargeysa (HWN) -Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (HWN) -Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale,

oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada,ayaa ka hadlay is rasaasaynta deegaanka Badhan gobalka Sanaag ku dhexmaray Ciidaamada Somaliland iyo Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland.



Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale,oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay "Somaliland haddii aanu nahay mar walba waxaanu jecel nahay nabada, iyo in aanu cid kasta nabada kula noolano,xad gudbkaas ay Puntland ku soo xad gudubtay xadka Somaliland, wax faa’iido ah kamay dhaxlin, ee Maamul Goboleedka Puntland waxaanu leenahay xadkiina ku eekada, oo xad gudubka aad ku soo xad gudubteen xuduuda Somaliland joojiya,Shacabka degan Badhan, Shacabka degan Dhahar, Shacabka degan Laascanood, iyo guud ahaan Shacabka degan Deeganada kala duwan ee Somaliland, waa dad asal ahaan Somaliland ah, wax walbana qaranimada ayaa ka weyn, ee fidnada ay Puntland wado waxaanu leenahay waxba ku qaadi maysaan ee joojiya, waxaana idin dhaqan noqday in bil kasta oo Ramadana aad fidno abuurtaan, ee fidnadaas iyo coladaas joojiya, oo xadkiina ku eekada, Ciidamada Qarankana waxaan ku hambalyeynayaa siday mar walba heegaanka u yihiin ee qarankooga uga difaacayaan cid kasta oo ku soo xad gudubta.”

Loading...
Loading...