Ururka Qareenada Somaliland Oo Loo Soo Jeediyay In Aanu Ku Milmin Siyaasada

0
Sunday January 09, 2022 - 08:15:05 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1115
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Qareenada Somaliland Oo Loo Soo Jeediyay In Aanu Ku Milmin Siyaasada

    Ku: Hogaanka Sare Ee Ururka Qareenada JSL.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ku: Hogaanka Sare Ee Ururka Qareenada JSL.

Ku: Hogaanka Sare Ee Ururka Qareenada JSL.

قل الحقی ولو كانی مره

.

Mudanayaal waxaan idiin iftiimin lahaa in guud ahaan maxkamadaha aan lala talin, waxaana kasii xag jira maxkamada sare iyo maxkamada dastuuriga ah, talooyinka iyo soo jeedimaha aan ka midka ahayn banalka dacwada, ama gudidda galdacwadeedku horyaala ka baxsani waxay wiiqaan oo ay wax yeeleeyaan go,aanada cadaaladeed isla markaana waa kuwo majara habaabiya cadaalada iyo sharciga, Tallo-bixinahaasina maxkamadaha hortoodana kuma laha wax saamayn sharci ah, manay ahayn in ururkii sharciga loo soo doonan lahaa iyagii ay ka muuqato ka inay ka aradan yihiin sharcigii.



Sidoo kale  ururka qareenada S/Land oo ahaa kuwii lagaga dayan lahaa Asuulbta sharci ee wanaagsan, isla markaana matala haybada iyo karaamadii boqolaalka garyaqaan ee Somaliland ee ku bahoobay ururka Solla, waxa uu ururku sicad ugu xad gudbay siyaasadii iyo ujeedadii uu ururku ku aasaasnaa ee ku cad Xeer Lr. 30.2004 iyo Xeer hoosada ururk qareenadu ku midaysan yihiin.


Sidoo kale ururku muu ixtiraamin inuu ka gaabsado dacwad maxkamada dastuuriga ah hortaala oo aan cidnaba uga baahnayn inay la taliyaan amaba rayigooda ay gaadhsiiyaan.


Waxaanuu sida dadka caadiga ah ee aan aqoonta sharci lahayn uga faaloodeen dacwad gal- dacwadeedkeedu uu maxkamada sare horyaalo oo aan uga baahnayn rayi sharci oo cadaalada majara habaabinkarta.


Sidkoo kale ururka qareenadu waxa uu ka dag dagay in roolkii qareenino ay kaga qaybqaataan qareeno kala matala dhinacyada is haya oo sharciga u itiimiya maxkamada dastuuriga ah xaqiiqada dhabta ah ee sharci ee dhinacyadu ku muransan yihiin, si waafaqsan Qodobka.18aad Ee Xee Lr.30.2004 iyo Qodobka.250 XeerkaHabka Madniga ah taas oo qareeno sharciyaqaano ah isla markaana ruqasd qareenimo haystaa ay kaga hor doodan maxkamada sare ay ku waajibiyaan inay dhinacyadu qabsanayaan.


Waxa kale oo uu ururka qareenadu ka dag dagay inuu lafa gur ku sameeyo nuxurka tafsiirka sharci ee kasoo baxa maxmada dastuuriga ah taas oo sharci ahaan ay xaq u lahaayeen isla markaana ay waxbadan ku sixikaraan bulshada iyo kuliyadaha sharciga lagu bartana lagaga faaiidaysanlahaa lafa gurkooda sharci, balse talobixin maxamadi ugama baahna ururka.


Waxaanuu dhex dabaashay dhooqo aanay cidi u dirsan ama dhinac gooniya loogaga faa,iidaystay masuuliyadii balaadhnayd ee ay u hayeen mihnadlayaasha uu ururka qareenadu kulmiyo ee ku bahoobay SOLLA .


Ururka Qareenadu Maaha Inay Ku Milmaan Siyaasada Iyo Xisbiyada Qaranka, ururka Waxay masuuliyadi ka saarantahay tayaynta Mihnada  Qareenimo ee ay ugu Adeegayaan Bulshadooda, iyo sidii ay u soo saarilahayeen qareeno gudankara waajibaadka iyo masuuliyada ka saaran ilaalinta xuquuqaha dhibanaha ay matalayaan Kobcinteeda.


Wixii talobixino ah, Xibiyadda Qaranku iyo siyaasiyiintu waxay ka leeyihiin, La taliyayaal sharci oo u gaar ah oo la taliya.


Marka laga hadlayo in ururku uu rayigiisa sharci ka dhiibto xaalad guud oo qaranka  soo wajahday una baahan inay si heer qaran ah uu ururku uga rayi dhiibto, markay qiimeyaan kuna qancaan rayi dhiibashadoodu inay u banaantahay,


Waxaa muhiim ah in hogaanka ururka qareenadu ay si dhex dhexaad ah oo xilksanimo leh, ay ugu xulaan xeel dherayaal sharci oo ka soo baarandaga masayrka sharci ee qaranku u baahan yahay wakhyiga ku munaasibka ah, isla markaana xubnahaasi waa inay ku suntanadaan kuwo  aan danaynayn dhinacyada warbixintu khusayso, balse maaha in hogaanku uu la taliyayaal sharci oo xisbiyahano ah oo aan dhex dhexaad ka ahayn uu magaca ururka cid ugu xilsaaro si danaha cid gaar ah loo fuliyo.


Fiiro gaara ah.

Sharci yaqaanku waa kuwo ka duwan dadka caadiga ah isla markaana ay ka madhantahay caadifad iyo dano gaar ahaaneed, isla markaana aan ka meer meeraysan xaqiiqada sharci ee hortaala, xadiis nabiwiya ayaa ahaa,

" قل الحق  ولو كان  مر

"waar xaqa dhaha haba qadhaadhaadee"

Garyaqaan : Yuusuf Biixi

Loading...
Loading...