Cilmi Baadhis Caddaysay In Qalabka Wax Lagu Dhegaystaa Ay Keento Dhego La'aan

0
Saturday January 08, 2022 - 14:25:23 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1082
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cilmi Baadhis Caddaysay In Qalabka Wax Lagu Dhegaystaa Ay Keento Dhego La'aan

    Qalinkii; Sadam Osman Kaabash.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qalinkii; Sadam Osman Kaabash.

Qalabka korontada ku shaqeeya way bedeleen hannaankii dadku wax u dhegaysan jireen. Laakiin cilmi baadhis baa sheegaysa in qalabka wax lagu dhegaystaa ay sababaan dhega la’aan mustaqbalka, marka cod sarreeya lagu dhegaysto.

 

Dhowaanahan soomaali badan ayaa aad u isticmaasha qalabka dhegaha la gashado si ay ugu dhegaystaan heesaha, quraanka iyo dhammaan ba wixii cod ah ee ku jira moobayladooda.

 

Khubarada ku takhasustay cilmiga maqalka ayaa waxay leeyihiin qalabka korontada ku shaqeeya waxay ka qayb qaataan maqalka qofka oo hoos u dhaca si joogta ah. Khubaradani waxay sii raaciyen in sameecadaha dhegaha la gashado ee madaxa qariyaa ay inta badan ka ammaansanyihiin kuwa wirels-ka(Earbuds) ah.

 

Khubarada caafimaadka ee Mayo Clinic ayaa waxay leeyihiin jabaq kasta oo ka sarraysa 90 (deecibles) heerka lagu acbbirojabaqda, wakhti dheerna la dhegaystaa waxay keenaysa maqalka qofka oo luma. Waxay sii raaciyeen mar hadduu qofku qaadanaayo qalabka maqalka dhegtiisa ku kooba waxaa loobaahanyahay in cabbirka jabaqda uu dhegaysanayaa ay noqdaa wax ka yar 90 ilaa 20 (decibels).

 

 Qalinkii; Sadam Osman Kaabash.

Hargeysa, Somaliland.

Degmada Maxamed Mooge.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...