Maxaynu Wadaagi Karnaa Maxaase Inoo Kala Soocnaan Doona Dawladaha Gobolka Geeska Africa ?
Aduunku waxa aad moodoo in marba marka ka dambaysa uu intii hore isaga soo dhawaanayo oo uu yimid fur-furnaan xaga isku-socodka dadka ah , ganacsiga iyo badeecadaha, maalgashiga , cashuuraha iyo kastamada iwm.
Haddaba sanadkii 2018 kii markii Ethiopia isbadelku ka dhacay ayuu raisal wasaaraha Ethiopia sheegay in la sameynayo isku-furnaan ( intergration ) maadaama oo uu gobolka geeska Africa siyaasiyan aad u kala xidh-xidhnaa.
Weedhaasi waxa ay gil-gishay dhamaan dadka soomaalida ah ee ku nool bariga Africa oo ka qaatay dareen weyn maadaama ay gobolkani kuwada nool yihiin qoomiyado badan oo oodwadaag ah isla markaana uu jiro damacyo ismuquunin siyaasadeed ahi.
Xukuumada Jamhuuriyada federaalka soomaaliya ee uu hogaamiyo farmaajo ayaa soo dhaweysay , waxaa dareen ka horjeeda oo adag ka qaatay mucaaridka oo diiday sheegayna in faham badan looga baahan yahay waxa laga midoobayo.
Haddana waxa xigay in ay heshiis sadex geesood ah ay galeen dawladaha Ethiopia , Erateria iyo soomaaliya kaasi oo aan nuxurkiisa la sheegin , arimahani waxa ay abuureen dareen shaki leh oo weyn.
Waxa kale oo soo baxday in warar aan sugnayni ay sheegeen in xukuumada farmaajo ilaa 4 dakadood oo dalkii la isku odhan jiray jamhuuriyadii soomaalia ( Somaliland iyo Somalia ) ah ay dawlada Ethiopia ee uu Abiy hogaamiyo siisay, dekedahaasi waxa la sheegay in Zeila ka mid tahay.
Arimahani dhamaantood waxa ay u muuqdeen istaratijiyad iyo qorshe hadii awood loo helo marba qayb la fulin lahaa si kasta oo lagu suurtagalin karayoba , nasiib daro se gudaha Ethiopia ayey dagaalo ka curteen ilaa hadda socdaa.
Haddaba waxaa qorey khabiir dadka jamhuuriyada Somaliland qadiyadeeda u ololeeya ka mid ah in Ethiopia doonayso in ay duulaan ku qabsato Zeila oo ay deked ka dhigato , arinkani oo xasaasi ahaa maalmihii ugu dambeeyey baraha bulshada ayaa dadka Somaliland uga qayliyeen.
Arimahani hadii ay soo cusboonaadaan xili xaaladaha gobolku yihiin qaar aan deganayn waxa ay halis weyn ku tahay guud ahaan gobolka geeska Africa , gacanka babul mandeb iyo guud ahaan dunida.
Jamhuuriyada Somaliland na waxa ay ciyaari doontaa kaalinteeda oo waxa ay kaashanaysaa xeerarka iyo shuruucda caalamiga ah, xidhiidho diblomaasiyadeed iyo xulfi dawladaha kale ee dunida ah si ay isaga bad-baadiso khatar kaga timaada Ethiopia.
Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!