Baaq Cambaarayna Falkii CID Ee Guddoomiye Xirsi Cali X Xasan

0
Saturday January 08, 2022 - 14:04:33 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1086
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baaq Cambaarayna Falkii CID Ee Guddoomiye Xirsi Cali X Xasan

    Baaq cambaarayn ah!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baaq cambaarayn ah!

Odayaasha, waxgaradka, dhalinyarada iyo aqoonyahanka beellaha Habartoljeclo ee dalka gudahiisa iyo debediisu waxa ay cambaaraynayaan falkii xadgudubka ahaa ee xukuumada Muuse Biixi kula kacday guddoomiyaha xisbiga WADDANI mudane Xirsi Cali X Xasan. Falalkaasi daandaansiga iyo cagajugleyntu ku dheehan tahay, waxa ay taabanayaan nabadgelyada, nolosha iyo masiirka bulshadayada sidaa darteed waxa aannu:



1. Tageersanahay jiritaanka iyo midnimada shacabka Somaliland, sidoo kale waxa aannu ka soo horjeednaa wax kasta oo wax u dhimaya nidaamka dimoqraadiga ah ee aynu qaadanay iyo dastuurka jamhuuriyada Somaliland.


2. Falka xadgudbka ah ee lagula kacay guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu ka baxsanaa usuusha dhaqankeena siyaasadeed, xorriyada hadalka iyo madaxbanaanida dastuurku siiyey madaxda xisbiyadda iyo dadweynaha Somaliland oo dhan. Wixii ka dhasha maanta ka dibna waxa masuuliyadeeda qaadi doono Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.


3. Muddooyinkii ugu danbeeyey xukuumada Muuse Biixi waxa ay isku deyeysaa inay carqaladayso nabadgelyada iyo wadajirka reer Somaliland. Sidaa darteed lama aqbali karo in madaxweynihii xasiloonida dalka ilaalin lahaa isagii laga illaaliyo.


4. Muuse Biixi waxa aanu madaxweyne u aqoonsanahay inta muddo xileedka dastuurka qaranka u ogolyahay.


5. Ma jirto horumarin la sheegi karo oo uu Muuse Biixi ka fuliyey degaamada bariga Somaliland, waxayna u muuqataa in uu ugu talo galay inay ahaadaan degaamo aan wax horumarin ahi ka soconin.


6. Waxa aannu ku baqaynaa in dawladu ilaaliso sharciga dalka u yaal ee ummadu heshiiska ku tahay. Doorashooyinkana loo qabto sida ay u soo kala horeeyaan. Qarankani wuxuu u baahan yahay in doorashooyinka madaxweynaha waqtigoodii lagu qabto si loo helo isbedel ku yimaada nidaam dimoqraadi ah, taasna waxa ay masuuliyadeedu saaran tahay xukuumada uu hogaamiyo Muuse Biixi.


7. In dhamaan aanu garab taaganahay guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan. Beelaha Habartoljeclona diyaar u yihiin inay u muujiyaan taageeradooda siyaasadeed iyo ta toliimoba.

 

8. Guntii iyo gebagebadii waxa aanu baaqayaga ku soo xidhaynaa tudducyadan:

Naf ay teedii soo gaabatay oo dhuunta laga taabtay

Oo sheekh tufaa meerin jiray uu ku tacab beelay

 

Oo looxa laga tiray mar kale nolol tisqaadkeeda

 

Tahliilaha inaan lagu bogsiin taa ma garan waayey?

 

Mubarak Qoorubaxay.

 

 

 

Magacyada dadka saxeexay oo dhamaa ilaa 300 qof waxa aanu ka xusaynaa xubnahan.

 

 

 

1. Ex- Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi ” Bidhi”

 

2. Keyse Baashe Ducaale

 

3. Abwaan Mubarak Maxamed Nuur Qoorubaxay

 

4. Xoghaye Cabaas Aw Jaamac Jibriil.

 

5. Abwaan Maxamed Xasan Dhaglas

 

6. Maxamuud Axmed Sahar ”hoos”

 

7. Siciid Axmed Jaamac

 

8. Eng. Cabdimaliki Abdi Xasan

 

9. Jaamac Saleebaan Qodax

 

10. Saleebaan Xaamud Dirir

 

11. Mujaahid. Ahmed Saleeban Maxamuud ”Maadhiin”

 

12. Cali Ducaale Xasan

 

13. Maxamuud Faarax Weyrax

 

14. Xasan Cige Saleebaan

 

15. Cabdillaahi Ahmed Caalin

 

16. Cumar Cabdilaahi Aadan

 

17. Bashiir Cumar Geelle (xiddig)

 

18. Jamaal Aadan Axmed

 

19. Maxamed Xuseen X Cabdi

 

20. Saleebaan Maxamed Sugaal

 

21. Khader Cilmi

 

22. Cabdiqani omar geedi

 

23. Zaki Maxamed Aadan

 

24. Mustafe Bured

 

25. Maxamed Xusen Geele

 

26. Maxamed Yusuf Hure

 

27. Cabdiraxmaan Salebaan Dirir

 

28. Siciid Caynaanshe

 

29. Yasin Cabdilow Jaamac

 

30. Maxamuud Ibraahin Cismaan.

 

 

Afhayeenka xubnaha baaqa soo saaray.

Mubarak Mohamed Nuur ”Qoorubaxay”

Sweden.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...