China Oo Ergay Gaar Ah Usoo Magacaabay Geeska Afrika, Xili Maraykanku Hadal Hayo Aqoonsiga J. Somaliland

0
Saturday January 08, 2022 - 14:01:35 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 992
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    China Oo Ergay Gaar Ah Usoo Magacaabay Geeska Afrika, Xili Maraykanku Hadal Hayo Aqoonsiga J. Somaliland

    W/Q: Mohamed Abdi Jama

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Mohamed Abdi Jama

Geeska Africa waxa ka taagan xaalado dagaal , qaar siyaasadeed oo aan deganayn iyo hirdano quwadaha iyo dawladaha kale ee aduunku ku kala jiidanayaan iyaga oo u socda ;

 

1- Khayraadka dabiiciga ah ee gobolkani oo guud ahaan ah 100% mid dihin.

 

2- Goobta uu ku yaallo oo xudun u ah aduunka oo dalwaliba u baahan yahay in uu bugcad uu danihiisa ka ilaashado ka helo.

 

3- Iyo in uu suuq u noqdo dawladaha horumaray oo badeedadaha ganacsi ee dalalkooda ay u helaan meel ay u iib keenaan maadaama tartanada dunida ka socdaa yihiin dhaqaale ku dagaalan.

 

4- Iyo in ay dawlad waliba ka sameysato xulafo siyaasadeed oo daneheega kala shaqeysa oo cod iyo cudud wax uun ku kabi karta maadaama kaalintii Africa aduunka ay ku lahayd ay noqotay mid hada soo muuqatay oo loo wada baahan yahay.

 

Haddaba loolanka ugu xoogan ayaa gobolkani ka dhex taagan dawladaha China iyo USA oo midwaliba doonayo in ay muuqato saameyntiisa siyaasadeed iyo kaalinta uu ku leeyahay Geeska Africa.

 

China ayaa labaatankii ( 20 ) sanadood ee ugu dambeeyay laga dareemay kaalintiisa gobolka Geeska Africa isaga oo maal-galin ka sameeyey wadamada Djibouti iyo Ethiopia, sidoo kale Somalia na aad hadda isha ugu haya , ayaa hadda u soo magacaabay ergey u gaar ah Geeska Africa sida uu wasiirka arimaha dibada China ka sheegay Kenya.

 

Arimahani waxa ay ku soo beegmayaan xili ay Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taiwan xidhiidho caalami ahi dhex mareen kuwaasi oo uu China aad uga soo horjeestay , wallow ay dawladaha maraykanka iyo reer galbeedku u arkeen Jamhuuriyadda Somaliland waa cusub oo Geeska Africa u baryey.

 

Dhowaan ayuun bay ahayd markii wafti maraykan ahi ay yimaadeen Jamhuuriyadda Somaliland kuwaasi oo daba socday in maraykanku la soo noqonayo saaxiibadiisii iyo xulafooyinkiisii siyaasadeed oo wiiqmay intii maamulkii Trump dalkaasi joogay.

 

Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxa ay hormood ka ahayd dawladaha ay sida dhow uga wada shaqeyn jireen la dagaalanka argagixisada oo gobolkani xudun u noqday,  la dagaalanka budhcad badeeda iyo iskaashiga dimuqaradiyada iyo doorashooyinka.

 

Dhowaan ayey ahayd markii dawlada maraykanka golaheega congressku u soo jeediyeen xukuumada madaxwayne Biden in jamhuuriyada Somaliland gaar loola macaamilo maadaama ay tahay ummad soddon sanadood madax-banaanayd oo qabsatay wax weyn oo lagu hambalyeeyo , sidoo kale kaalin weyn ka qaadata amniga iyo horumarka dimuqaradiyada Gobolka Geeska Africa.

 

Haddaba waxa muuqata saameyn iyo in gobolku la kala safan doono quwadaha aduunka ee ku loolamaya oo dalwaliba uu dantiisa iyo dhinaca ay wax wada yeelan karaa u huleeli doono , arimahani oo u eeg qaar waa cusub u soo saaray qaranka jamhuuriyada Somaliland ee soddon jirsaday.

 

Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...