Xidhidhka SOMALILAND iyo USA

0
Saturday January 08, 2022 - 13:58:02 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 975
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xidhidhka SOMALILAND iyo USA

    W/Q Maxamed Aden Xasan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q Maxamed Aden Xasan

Sida aad la wada socotaan Somaliland iyo USA  ayaa dib u istaadhay xidhiidh soo jireen ahaa o ku dhisnaa dano hor dhac ah o labada dhinac ay kala lahayeen in muddo ah balse aan si wacan u hana qaadin isla markaana aan halkisi laga sii wadin xalado jiray awgeed.

 

USA sida aan ognahay wa dhaqalaha kowaad e dunida millitry ga kowaad e dunida e leh technologiyad casri ah o qaab heer calimiya u farsamesan , iyo haymanada iyo quwada kowaad e dunida is hor bida isna sharafta , halka aynu dalka Somaliland ka dharag sanahay xaalkisa o fulay xantisi waa ogyahay ee aynan ku dheraan se hadi aan dhinaca kale iska taagno waxaan haysana fursado badan iyo caqabado badan o isku sidkan iskuna matanaysan , hadi aan si wacan wax u darisno o si wacan wax u firino wakhtigana ka faai’daysano dad iyo xukamadna is kaashano wax wayn ayaa isbadalaya hawshu ha badnanto o ha cuslato se waxaan kaga gudbaynaa hawl badan iyo hadal yar dunida wax aan la gaadhi karayna ma jirto , USA iyadaba shalay UK ayaa gumaysan jirttay o ay sideeni o kale ay xuriyadda ay ka heleen sanad walbana way xusaan dawladda waynaa e intaas leeg manta dunida hor bodaysa 12 sano ayay ku qadatay in ay qoraan ansixiyaana dastuurkoda ay hashiiska ku yihiin hadda waa 12 sano , wallow ay manta dhibatoyin badan la kulmayso o china hadda kaabiga ku hayo o cilmi badhisyadu ay leyihin waxa kula waregayaa super power kii dunida.

 

Halkee kasoo bilaabmay xidhiidhka labada Dal?

 

Somaliland sida aan wada ognahay waa inagi 91 asaasnay e dhidi bada u tagnay caqabado badan o soo taagna o ahaa colaado iyo in la sameyo state building iyo peace building waxa inoo surta gashay in aan dawlado koban xidhiidh la sameno o ay ugu horeeyaan wadamada jaarka ah sida Ethiopia iyo Djibouti.

 

Halkaas marka ay marayso akhirkii qarnigi tagay madaxwayne cigaal iyo wafti baladhan o u horkacayo ayaa aaday USA wakhtigaas waxa ay la kulmeen kaaliyihi xoghayaha arimaha debada e Qaarada Africa u qabilsanaa , soona noqday la taliyaha amniga e usa e Obama hadana ah director of the domestic policy council  Susan rice , madaxwayne cigaal AHU waxa u hordhigay susan rice in ay Somaliland dal ahaan u aqoon sadaaan se susan waxa ay ugu jawabtay wax walba o aqoonsi aan ahayn dalkayaga waad ka helaysaan se aqoonsi waa maya.

 

Halkaas marka ay marayso ina cigaal o ahaa nin aan cad quudhsiga qadan waxa u ku yidhi waxa ugu wan ee donayno waa aqoonsi e nagala shaqeya sababto ah aqoon siga ayaa waxa kale o dhan ku dugan yihiin o haddi aad aqoonsi hesho waxba kama maqna o dawladi iyo dalkiba way ku istageen waliba cago adag.

 

Intaas ka dib dalku waki doroshoyin galay ina cigaalna waki geriyoday alle ha u naxaristo ee intaas waxa dalka qabtay sida aad wada ogtihin madaxwayne ku xigenka dalka dahir riyaale isna waki qabtay dorashoyin , daahir riyaale o ahaa madaxwaynihi dorashoyinka e Somaliland ayaa u safray USA safar la yaab leh o xitaa madaxwaynihi Somalia e wagaas dhaleceyay waa Abdilahi yusuf ee AHU maadama riyaale maqam wacan iyo fursado badan soo helay o ahayd bal horta in wax badan boodhka laga jafo.

 

Horaanti 2008 ayaa kaliyihi u qaabilsana USA arimaha Africa jendayi frazer ayaa boqasho rasmi ah ku timi Magalada Hargeisa e caasimada dalka Somaliland taas o dhidibada u taagtay xidhidhka labada dal e in badan soo dhitinayay waxyabihi laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa in ay Somaliland iyo USA ay yeshaan xidhidh dheer o dhinacyo badan tabanaya isla markaana USA ay kala shaqayso Somaliland arinta ictiraaf raadinta iyada o sii maraysa African union o halkaas laga karkarin doono isla markaana USA ay ka shaqayn doonto kaalin wayna ay ka qadan doonto.

 

Intaas ka dib waxa dalka qabsaday madaxwayne axmed silanyo hadana waxa haya dalka muuse labadaas xukamadood xidhidhki hakad ayaa galay o halkii kama sii tanaadin o sidi ls donayay ma noqon. Waxaas soo raacay intaaas waftigi dalka yimi dhamadka sanadki tagay magalada hargaysa ee ahaa shaqalaha congress ka dalkaas o aan iftimin iyo war sugan aan idin ka siin doono.

 

Hadaba USA maxaa hurdada kasoo kiciyay?

 

Waa halkan halka aynu rabno in aan wada fahano o si qoto dheer u dul istaagno , Gobolka Geeska Africa o Somaliland ay ka mid tahay wakhtigan hadda e aan joogno waxaa saamayn wayn o baladhan dhinac maal gashi iyo dibu dhis kabayal dhaqale waxaa samayn wayn ku leh dalka china ah o hantay DJIBOUTI , KENYA , ETHIOPIA SOMALIA IYO ERITREA ayaa gacantisa ku jirta Meesha kaliya e aan gacantisa ku jirin waa Somaliland.

 

Dalalkaas aan kor ku xusnay waxa u wada siyaa dayn sido kale waxa ka hana qaaday mashruca u rabo in u dunida ku qabsado ee BRI belt road initiative waa mashruc isuga jira horumarinta kabayaasha dhaqale dekadaha dhistaanka wadooyin jidad tarayno iyo isgaadhsinta , shaqadaaas o dhana waxa ay hadda ka socotaa geeska Africa o china gacanta ku dhigay , akhrirkii bisha NOV ee ee 2021 dalka Eritrea ayaa ku dhacay gacanta china e mashuurca BRI taas o lakala saxeexday MOU , wasiirka arimaha debada e china ayaa gobolka geeska Africa ku maraya safaro sida hilaaca o kale ah waxa u tagay dalalka Ethiopia , Eritrea iyo dalka kenya waxana si deg deg ah losoo magcabay ergayga gaar ka ah ee china ha eee geeska Africa sida daradeed dalkii maraykana waa lagala waregay gobolki  geeska Africa sido kale waxa gacantisa ka baxay gobolka ASEAN o dhaqale ahaan iyo ganacsi ahaanb o china la waregay mar baan is dul tag wayn ku  samayn doonaye gobolkaas ASEAN ee.

 

USA maxay Somaliland ka door bidaysaa o aan aqoonsi haysan?

 

Waa laba qodob hadaan xaqiiqda kawada hadalno USA meel aan dan u ahayna ma gasho e inaga ayaa la rabaa in aan wax ka dhacsano:

 

1.      Somaliland waa dalka kaliya e aan china gacanta aanu ku hayn marka aan ka shidaal qadano gobolka wayn ee geeska Africa kaas o aan ku dhicin dabinka daynta e dalka china ha isla markaana xidhidh wayn la leh dalka Taiwan o china aad isu hayaan.

 

2.      Waa geo-strategy ga Somaliland dhacdo o ah badda Gulf o berbera not gulf of aden sababto ah qof walbaa dalkiisa ayu suuq geeye u yahay waa goob dhacniinka aad ka u wanaagsan o ah goob dhexe o isku xidha red sea ga iyo Indian ocean ka sida daradeed hadi china xanibo badda jabuuti o ay wada dagan yihiin USA dee waaa ka diyaar garow horeba waa lagu kala tagay maadama USA ay berbera fadhido o aad u muhiima o dhinaca bari ka xigta.

 

Maxay Somaliland ka faa.idi kartaaa xidhidhkan.

 

Waxaan ka faaidi karnaa qodobadan hoose.

 

1.      Horta waa in aan gacan adag ku dhignaa USA o aanu inaga fakan si si yar ah isla markaana dantaynta ka fushanaa ileen isba dan ayu inaga leyahay ee.

 

2.      Waa in aan shurudaha ku darnaa in u passport keena aqbalo o dadka Somaliland ay USA ay ku tagi karaan passport Somaliland waxna kaso baran karaan kana ganac san karaan dalxiisna u tagi karaan si labada dal xidhidhkodu usii adkaado.

 

3.      Waa in aan furasado badan ka dheefsana sida in u ciidan aan dawladda ka madax bananyn ino taba baraa sido kale dadka aqoonta leh iyo shaqaha dawladaba waa in aan ka dhacsaba taba barkooda iyo hagajinta lamaha dawladda.

 

4.      Waa in aan kala hadhnaa kabayaal dhaqale o adag sid wadooyin airport heer caalimiya o si standard ah loo dhisay iska markaaba jilalka danbe e dalku inaga dhaxlaa.

 

5.      Fursado aqooned mid dhaqaale iyo mid amniba iyo wax walba o wanaagsanba waa in aan gacanta adag kaga dhignaa.

 

Gaba gabo……

 

Khataraa mesha ku gadaman maadama dagalki qabooba geeska soo gadhay waa in aan indhaha ku haynaa sido kale arimaha muhiim ka ah waa in aan Iyana indhaha ku haynaa dadkuna ay wax badan fahmaan wax badan ay akhriyaan o maalin ku dhaw feker kan waa in aan ka baxnaa iyo qabyaladan ina ragaadisay isla markaana dunida horumartay wax la qaybsana o wax la dhacsana wax badhnaa waxna darasnaa arintan  kale e xidhidka labada dal waa su’aal jawabtedu balayin doller  ku kacayso ee waa in aan si qoto dheer u darasnaa horena u soconaa.

 

Mahadsanidiin Dhamantiin

TWITTER: H.E Mohamed Aden Hassan      

Email: [email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...