Saraakiil ka tirsan NISA oo warqad Xasaasi ah u diray R/W Rooble.

0
Saturday January 08, 2022 - 12:40:15 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 2014
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiil ka tirsan NISA oo warqad Xasaasi ah u diray R/W Rooble.

    Saxaafadda oo si hoose ku heshay xogtan iyo qoraalkaba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saxaafadda oo si hoose ku heshay xogtan iyo qoraalkaba


Waraaq sadex maalin kahor la gaarsiiyay xafiiska R/W Maxamed Xuseen Rooble ayna soo saareen saraakiil sare oo ka tirsan Sirdoonka Soomaaliya ayaa si hoose maanta usoo gaartay warbaahinta.


Saraakiisha warqadda ku taariikheyaan afartii bishan u diray Ra’iisal wasaare Rooble ayaa sidoo kale gaarsiiyay wasiirada amniga, gaashaan dhigga, cadaaladda iyo taliyaha booliska, waxaana looga hadlay arimo xasaasi ah oo ay ugu horeeyaan dil la sheegay inuu ka badbaaday taliyaha dabagalka NISA Korneel Cabdullahi Dheere iyo dalab ah in si deg deg ah taliye cusub loogu magacaabo hey’adda sirdoonka qaranka ee NISA.



Saxaafadda oo si hoose ku heshay xogtan iyo qoraalkaba , ayaa waxaa ugu horeyn lagu sheegay in waaxyaha NISA ee ay kamid yihiin la dagaalanka cadowga, agaasinka xuuraanka,iyo kan sirdoonka caasimadda ay toos uga dalbanayaan Ra’iisal wasaaraha iyo mas’uuliyiinta kale ee loo diray in baaris deg deg ah lagu sameeyo isku day ay sheegeen in 27-kii bishii tagtay ee December 2021, lagu qaarijin rabay taliyaha dabagalka Cabdullahi Daahir oo Cabdullahi Dheere ku magac dheer.


Qeybaha xasaasiga ah oo xogtan waxaa kamid ah in qoraalka sidoo kale lagu muujiyay cabsida ku aadan in la beegsado mas’uuliyiin.


"Waxaa dhici karta in madax badan sidaan loogu maleego qaarijin, sidii horayna naftooda ugu waayeen dad qiimo ku dhex lahaa bulshada oo ay kamid ahaayeen Eng.Yariisow iyo Ikraan Tahliil” ayaa warqadda saraakiishu qoreen lagu yiri.


Warar hoose ayaa sidoo kale sheegaya in wasiirka amniga uu qorsheynayo in gudii uu u saaro cabashada iyo digniinta ay soo direen saraakiisha ka tirsan NISA.


Xaaladda dalka ayaa u muuqata mid ku jirto hubanti la’aan xagga amniga ah, doorashada oo daahday iyo faragelinta Villa Somalia ee geedi socodka doorashada ayay dad badan u aaneeyaan.


Taliyaha dabagalka NISA Cabdullahi Daahir ayay dadka ku dhaw waxay ku tilmaameen in galaan gal badan oo saameyn toos ah ku lahaa xaaladaha siyaasadda iyo amniga afartii sano ee la soo dhaafay.


Sidoo kale ilo diplomacy-yadeed ayaa sheegay in warqad kale oo midaan lamid ah ay Maraykanka u direen Rooble, balse warqadaasi aysan helin saxaafadda.


Qoborada dhinaca amaanka waxay muujinayaan wal wal ku aadan arimaha taagan ee u muuqda dilalka qorsheysan, xilli aan wali natiijo dhameystiran laga soo saarin kiiska Ikraan Tahliil.


Hey’adda NISA ayaa mar labaad kadib 2018-kii u muuqata in ay galeyso jahwareer dhanka maamulka sare ah, waxaana si kmg ah muddo laba bilood ka badan xilligan uga taliya Yaasiin Fareey oo kursi xildhibaan lagu muransan yahay loogu soo doortay Galmudug.
Loading...
Loading...