Itoobiya Mawaxay Damacday Inay Ka Heshiiso Dagaalkii Sokeeye?

0
Saturday January 08, 2022 - 09:04:43 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 748
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Itoobiya Mawaxay Damacday Inay Ka Heshiiso Dagaalkii Sokeeye?

    "Waxaan xaqiijinnay xasuuq loo geystay dad shacab ah oo aad u badan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaan xaqiijinnay xasuuq loo geystay dad shacab ah oo aad u badan"

Hayadda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa maanta hsaacisay inay xaqiijisay xaquuq ka dhacay gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, kaasoo ay sheegtay in lagu dilay dad badan oo ay suuragal tahay inay gaadhayaan boqollaal ruux.



"Waxaan xaqiijinnay xasuuq loo geystay dad shacab ah oo aad u badan, kuwaasoo u muuqday inay yihiin dad magaalada ka xamaasha oo aan sinaba ugu lug lahayn howl-galka milatari ee socda. Tani waa musiibo naxdin leh oo inta ay la egtahay uu sheegi karo waqtiga oo kaliya maadaama adeeggii isgaarsiinta ee gobolka Tigray uu wali xiran yahay," ayuu yidhi Deprose Muchena, oo ah agaasimaha Amnesty International ee Bariga iyo Koonfurta Afrika.


Sarkaalka u hadlay hay'adda ayaa dalbaday in sida ugu dhakhsiyaha badan dib loogu fasaxo khadka isgaarsiinta ee deegaankaas.


"Dowladdu waa inay dib usoo celiso isgaarsiinta gobolka Tigray si wax looga ogaado ficillada ay milatarigeeda ka sameynayaan gobolka, loolana xisaabtamo, iyo sidoo kale in la xaqiijiyo adeegyada bani'aadannimo ee ay sameynayaan hayadaha gargaarka iyo kuwa kormeera xuquuqda aadanaha. Amnesty International waxay si walbaba sii wadi doontaa inay wax kasta u adeegsato diiwaangalinta lagu sameynayo xaaladda iyo soo bandhigidda xadgudubyada ay sameynayaan dhinacyada uu dagaalka u dhaxeeyo." Ayuu sii raaciyay hadalkiisa.


Amnesty International ayaa sheegtay sawirro iyo muuqaallo laga soo qaaday meydad oo lasoo gaadhsiiyay ay u adeegsatay qalabka satellite-ka ayna xaqiijisay in waqtigooda uu yahay 9-kii bishan November.

Goobta uu xasuuqaas ka dhacay ayey hayaddu ku sheegtay magaalada Mai-Kadra oo ku taalla dhinaca galbeed ee gobolka.


Maalmihii lasoo dhaafay waxaa sii xoogeysanayay xasaradda gobolka Tigray oo in muddo ahba taagnaa.

Dowlad deegaanka Tigreeda ee woqooyiga dalka Itoobiya ayaa bishan gudaheeda amar ku bixisay in la abaabulo guud ahaan dadka ku nool gobolkaasi, xilli ay sii kordheyso cabsida laga qabo in colaad xooggan ay ka dhacdo gobolkaasi.


Xukuumadda deegaanka Tigreeda ayaa sheegtay in ay khasab tahay in shacabka gobolkaasi ay "iska difaacaan duulaanka" dowladda federaalka ee Itoobiya.


Rai'salwasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa horraan ku gacan seyray codsi uga yimid maamulka Tigreeda, kaasi oo ahaa in dhibaatada ka taagan gobolkaasi lagu xalliyo wadahadal.


Qaramada Midoobay ayaa maanta sheegtay in adeeg gargaar oo loo fidinayay kumannaan ruux uu halis u yahay inuu joogsado sababo la xiriira dagaalka ka billowday gobolka Tigray.


Catherine Sozi, oo ah madaxa Qaramada Midoobay ee dalka Itoobiya, ayaa BBC-da ku tidhi: "Waxaa lasoo tabiyay inay go'een adeegyo muhiim ah, sida burka iyo shidaalka."


Dowladda Itoobiya ayaa ugu baaqday ciidamada Tigray inay isa soo dhiibaan xilli ciidamada federaalka ay wadaan howlgal ay ku qabsanayaan deegaano badan.


Waxay arrintani imaaneysaa xilli baarlamaanka Itoobiya uu u codeeyay in xasaanadda laga qaado xildhibaano dhowr ah oo kasoo jeedo Tigray.


Dagaalka ayaa bilaabmay toddobaad ka hor kaddib markii Ra'iisul Wasaaraha uu ku dhawaaqay howlgal militeri oo ka dhan ah TPLF.


Waxaana lagu soo warramayaa in labada dhinac ay boqolaal qof kaga dhinteen dagaalka.


Dowladda ayaa kalsooni ka muujineysaa dagaalka, wasiirka gaashaandhigga Kenea Yadeta wuxuu sheegay in muddo aysan qaadan doonin in caddaallada la hor keeno madaxda TPLF.

 

BBC

Loading...
Loading...