Sadex Arin oo Cadeyn u ah in Dani iyo Farmaajo wareegga ugu Dambeeya Doorashadda soo socota Xildhibaanadda ay kala saari doonaan.

0
Thursday January 06, 2022 - 21:43:39 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1741
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sadex Arin oo Cadeyn u ah in Dani iyo Farmaajo wareegga ugu Dambeeya Doorashadda soo socota Xildhibaanadda ay kala saari doonaan.

    FG:waa aragti ka madax banaan nin jecleysi, Caadhifad qabiil iyo kooxeysi balse

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

FG:waa aragti ka madax banaan nin jecleysi, Caadhifad qabiil iyo kooxeysi balse



Dhigaal Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya marka dib loo milicsado , lama Saadaalin karo qof noqon donna Madaxweynaha JFS , Tusaale Doorashadii 2012 Waxaa Madaxweyne ahaa Shariif Sheekh Axmed halo day ayaa Xildhibaanka soo Xulayay.



Madaxweynihii Xiligaanna Waxa uu ahaa Musharax Olole Xooggan ku dhex- waday Doorashadda Balse Codkii Xildhibaanadda Waxa uu go’aamiyay in Macalinkii Maalmahaas Xiisadihiisa Jaamacadda galinna , dhigi jiray galinna , ololaha ku jiray uu guul weyn doorashadda ka gaaro , isla markaanna noqdo Madaxweynihii ugu horreeyay ee burburka ka dib Dalka Gudihiisa lagu doorto .


Sidoo kale Doorashadii 2016 , Waxaa dalka madaxweyne ka ahaa Xasan Sheekh maxamuud , 51 qof ayaa dooranayay Xildhibaanka , Doorasho bilow ah laakiin , qaar ka mid ahaa Musharixiinta Saluug weyn ka muujiyeen , kuraasta qaarna si aan gambasho leheen , saaxiibo Siyaasadeed lagu soo saaray , dhacdooyin kala duwan ayaana laga diiwaan galiyay

Doorashadaas oo qaarkood manta aan miqyaas loo heynin , 8 Febraayo 2017 , Cod bixiyaasha Waxay go’miyeen in Farmaajo oo maalmo ka hor Caasimadda Soo gaaray Madaxweynaha JFS noqdo oo ay Xildhibaanada Doortaan.


Dulucda Sheekada aan u soo daadagee lama Saadaalin karra qof noqon donna Madaxweynaha JFS , balse waxaa la saadaalin karaa raga wareegyadda ugu horreeya ka gudbaya ee heli donna codad Macquul ah oo u Saamaxaya in ay gudbaan ,


Aniga oo kaashanaya Waayo aragnimadeyda iyo Xusuustii aan goob-joogga u ahaa Cilmi iyo aqoonna ku dhisaya ayay ii muuqataa in Sadex qodob Suurta-gal ka dhigi karto in Wareegga ugu dambeeya ay isku arkaan Farmaajo iyo Dani oo Xildhibaanadda go’aamin doonaan Madaxweynaha JFS


1.Xulafaysigga Dani iyo Axmed Madoobe : Cidna kama qarsoonna in Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland yihiin Xulafo Siyaasadeed oo ay ka mideysan yihiin Doorashadda soo socota iyo Sida ay u wajahayaan , Waana marag ma doonto in lagu go’aamiyay Shirarkii ka dhacay Kismaayo iyo Garoowe Cidda Sanadkan ka mid noqon doonta Liiska Xildhibaanadda.


Labada Gole ee Matali donna Labada Dowlad Gobaleed Jubbaland iyo puntland , Halka Codkooda uu aadi doonanna Waa qorshe ka hor Doorashadda layska meel dhigay oo Miiska Saaran , Waa arinta koobaad eek a dhigeysa Musharax Banaankiisa ku dhacay oo Wareegga ugu dambeeya gaari donna maadama uu heysto xildibaanno 100% uu hubo Madaxweyne Dani halka Codkooda ay aadayaan , Fursad Waqti dheer uu ka soo shaqeeyay oo marqaati ma doonto ah waaye .


2.Cududda aan mideysneen Ee midowga Musharaxixiinta : in ka badan 15 musharax oo u badan marka laga hadlaayo Xisaabta Beelaha hal dhinac ayaa ku mideysan Midowga Musharixiinta , waa kala aragti iyo kala olole mana jirto kalsooni ka dhexeysa ama Musharax ay ku mideysan yihiin oo awoodda ay isugu geyn doonaan oo ay shaaciyeen , balse qof walba waxa uu wataa qorshe iyo dan isaga u gaar ah , oo waa suura-gal sidan sii ahaadaan , waa fursad weyn oo uu heli doonno.


Madaxweyne Dani oo Kooxdan mararka qaar danta ay mideyso isku-mowqifna ay noqdaan , balse qorshe ayaa meel u yaalla oo qof walba waxa uu si caadi ah u wataa ololihiisa , mid walbana waxa uu garab u noqon donna DANI oo labdii cod uu helo waxa uu dhihi donna Wasiiradda reerkeyga aan soo xulo ama anigga codad badan keenne Raysal Wasaare aan noqdo , waa Cabirka macquulka ah ee Kooxdan ku soo dhammaan doonto Danni Fursadda u ah


3-Saameyntiisa Gudaha Shirka Wadatashiga Qaranka : Dani oo lagu tilmaamo qof marka aragti uu iibinaayo Muujiya Dulqaad iyo Samir badan ayaa Saameyn aan qarsooneen ku leh Shirka Muqdisho ka socda , Waxa uu heystaa ugu yarraan labo dhinac oo uu Sadex ku yahay oo uu si Fudud aragtidiisa ku qaadaneysa ama taageereysa , waana Musharax ku dhex Nool.


Qalbiyadda Jilaayaasha Siyaasadda Soomaaliya oo kulammo Xasaasi Caasimadda Soomaaliya ku leh , waana sabab kale suurta-gal ka dhigi karta in Go’aanno Masiiri ah oo Dan u ah Musharaxnimadiisa uu ka helo Go’aanadda la gaari doonno , taas oo banaanka dhigi karta , rag badan oo waqti hore Danta ay mideysay , balse ololaha doorashadda iyo hardanka Siyaasadda.


uu kala geeyndoonna , isaga iyo kooxda la aragtida ahna waxaa miiska ay soo saari doonnaan qorshe u dan ah , Siyaasigan hadda hoggaamiya puntpand balse dhowr jeer ooh ore ku guul darreystay in uu noqdo Madaxweynaha JFS, maantase u arka markii uu ugu dhawaa kursigii waxbadan hortiisa , rag kale loogu codeeyay.


FG:waa aragti ka madax banaan nin jecleysi, Caadhifad qabiil iyo kooxeysi balse ku qotanta Cilmi baaris iyo xog-ogaalnimo ku saleysan run iyo arati caafimaad qabta


W/Q: Xasan Kaahiye

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...