Jamhuuriyada Somaliland Maaha Goosarad Timir Ah Oo Xabaal Taalla !

0
Thursday January 06, 2022 - 13:33:53 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1029
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Jamhuuriyada Somaliland Maaha Goosarad Timir Ah Oo Xabaal Taalla !

    Asalaamu Calaykum

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Asalaamu Calaykum

Waxaa dhawrkii maalmood ee u danbeeyay la wareejinayay qoraal laga soo xigtay maqaal uu qoray ninka lagu magacaabo Michael Rubin oo si weyn ugu ololeeya in ay Somaliland Aqoonsi ka hesho Dalka Maraykanka iyo Caalamka, maqaalkaas oo qaybo ka mid ah uu si ka fiirsasho la’aan ah uu ugu xusay in Itoobiya ay weerar ku tahay Dekeda Saylac, maqaalkaas oo ay sii buun-buuniyeen runna u eekaysiiyeen dad badan oo aan fahamsanayn waaqaca ka jira guud ahaan Gobolka, balse u haysta wax kasta oo qof Caddaan ahi uu qoro inuu yahay xaddiis run ah oo samada ka soo degay.



Marka hore khabiirka Michael Rubin waa saaxiib ay Jamhuuriyada Somaliland leedahay, wakhti badana ku bixiya sidii ay dunidu u garawsan lahayd xaqoodana u siin lahayd Ummada reer Somaliland ee halganka ugu jirta sidii ay caalamka uga heli lahaayeen Aqoonsi. Dedaalka Michael Rubin waa mid qof kasta oo reer Somaliland ahi uu ugu mahadnaqayo isaga iyo cid kasta oo taageeraysa una hiilinaysa Qadiyada Xaqa ah ee Somaliland.


Taasi macnaheedu maaha in tashuush uu ku furo oo dacaayado malo-awaal ah laga fidiyo, xidhiidhka wanaagsan ee soo jireenka ah ee weliba sii kobcaya ee u dhexeeya labada Dal iyo labada Ummadood ee Somaliland iyo Itoobiya. Isla markaasna meel lagaga dhaco Qaranimada iyo Dawladnimada Somaliland oo loo eekaysiiyo in ay Somaliland tahay Goosarad Xabaal taalla oo inta lagu soo duullo ay dhulkeeda si fudud cid kale isaga qaadan karto.


Somaliland ma Goosarad Xabaal taalbaa?

Jamhuuriyada Somaliland waa Qaran dhisan oo leh awwood Siyaasadeed , awwood Sharci , awwood Millatari Iyo awwood Shacbi oo uu ku difaaco Xuduudihiisa Dhuleed, Badeed iyo Cireed iyo masaaliixdiisa Qaran ee aasaaska u ah jiritaankiisa Ummadeed.  Jamhuuriyada Somaliland waxay ku dhisan tahay oo ay ku taagan tahay oo dhulkeeda ku maamulataa waa awwoodaas Shacbi iyo Cududeeda Dawladnimo ee ay dhisanaysay Sodonkii Sanadood ee la soo dhaafay.


Somaliland iyo Dawladnimadeedu maaha mid dhalanteed ah oo khiyaali ku dhisan, balse waa mid jirrido adag ku taagan oo dhan walba ka dhisan oo aanuu soo hawaysan karin, kana libbaysan karin Cadow dibadeed oo soo hujuumaa. Waxaana aasaas u ah oo Somaliland ay aaminsan tahay inay Nabad kula noolaato Dalalka deriska ah oo ay xoojiso xidhiidhka wanaagsan ee u dhexeeya Ummadaha Geeska ku dhaqan, balse taas macnaheedu maaha inaanay Somaliland lahayn Awwood buuxda oo ay ku difaacato Xuduudaheeda haddii lagu soo xad gudbo, waxaanay Somaliland gacanta ku haysaa oo ay si buuxda u maamulataa Dalkeeda Bad iyo Berriba.


Xidhiidhka kobcaya ee u dhexeeya Somaliland iyo IItoobiya:

Tan iyo markii ay Somaliland la soo noqotay Madaxbanaanideeda waxa xidhiidh wanaagsan oo iskaashi uu  u dhexeeyay Dalka Itoobiya, xidhiidhkaas oo ah mid ku dhisan is qadarin, Iyo ilaashiga masaaliixda labada dal, ganacsiga, amniga iyo kawada shaqaynta nabadgelyada mandiqada ayaa ah xidhiidh sii xoogaysanaya maalinba maalinta ka danbaysa.  Waxaana Itoobiya ay ka mid tahay maalgashadayaasha Dekeda Caalamiga ah ee Berbera oo ay ku leedahay saami dhan 19%, waxaana lagu rejo weyn yahay in sanadaha soo socda ay Dawlada Itoobiya alaabadeeda 30% kala soo degi doonto Dekeda Berbera.


Dhinaca kale marka aynu eegno Itoobiya Iyo Somaliland waxaa u dhexeeya Xuduud aad u dheer oo ay Somaliland xayndaab adag u tahay Itoobiya, kaalin weyna ka ciyaarto sugida Amniga Itoobiya.


Hadaba kuwa faafinaya in Itoobiya ay Somaliland ku soo duulayso ujeedadoodu waa in la wiiqo xidhiidhka wanaagsan ee u dhexeeya labada Dal ee Somaliland iyo Itoobiya, lagana dhex abuuro kala shaki labada ummadood ee deriska ah.


Waxaanan soo jeedinayaa in dariiq wanaagsan loo maro Raadinta Aqoonsiga Somaliland iyada oo aan dhaawac loo geysanaynin xidhiidhka ay Somaliland la leedahay Dalalka deriska ah, isla markaasna aynu ka fogaano Cadaawad indho-la’aan ah oo aynu abuurano  lana colowno Wadamada qaarkood, taasoo aan maslaxadi inoogu jirin.


Amb Kaysar Cabdillaahi Maxamed

Bristol. UK

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...