Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay yeedhmadii booliska ee guddomiye Xirsi

0
Thursday January 06, 2022 - 09:45:14 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 2073
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay yeedhmadii booliska ee guddomiye Xirsi

    Wasiir Suufi ayaa sheegay in aanay is qabanayn in madaxda xisbigu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Suufi ayaa sheegay in aanay is qabanayn in madaxda xisbigu



Wasiirka wasaarada Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyada Somaliland Dr. Cabdiwali Sheekh Cabdillaahi Suufi, ayaa yeedhitaanka booliiska ee guddoomiyaha xisbiga WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan ku tilmaamay wax sharci ah oo iska caadi ah.


Waxaanu yidhi.”Guddoomiye xisbi ayay u yeedheen ciidanka boolisku, warqad ayaa loo keenay, si sharafleh ayaa loogu yeedhay, si sharafleh ayuu u tagay, si nabad ah ayuu kusoo noqday, intaasina waa inta uu sharcigu ogol’yahay”.



Wasiir Suufi ayaa sheegay in aanay is qabanayn in madaxda xisbigu ay dambi baadhista horteeda ka yidhaahdaan madaxweynuhu waa macangag iyo in aan waxba loogu raacin oo ay si nabada ku tagaan.


Waxaanu yidhi.”Madaxda xisbigu waxay layf (toos) kasoo galeen CID-da horteeda iyagoo leh waddanka dhigtaytar (macangag) ayaa qabsaday, haddana cid ka daba tagtay iyo cid wax tidhi midna ma jirin, markaa waxay noqonaysa su’aashu tolow qofkani waxan uu leeyahay iyo waxan uu samaynayo maanu iska warqabin”.


Waxa uu sheegay in guddoomiyuhu uu yahay muwaadin, waxna la su’aali karo "Guddoomiyuhu waa muwaadin, hay’addaha amnigu way u yeedhi karayaan isaguna wuu is difaaci karayaa, wax dhib ah oo halkaa ka jiraa ma jiro”.

Loading...
Loading...