'' Waxaasaa Siyaasad La Dhahaa ''. Ahmed Nour Guruje
Kursigan uu ku guuldaraystay wuxuu horre ugu guulaystay sanadihii 2004 , 2009 iyo 2014 . intaas oo jeer oo min shan sandood ah , sidoo kale wuxuu kasoo jeedaa qoys taariikh wayn ku leh wadanka Hindiya oo ay ka dhasheen tiraba 3 Raysal wasaare oo kala ahaa , Jawaaru Nahru oo awoogi ahaa oo dhalay ayaydii Aabo Indira Gandi , Ayaydii Aabo Indira Gandi iyo Aabihii oo ahaa Rajiv Gandi .
Hadaba kursigan oo muddo 70 sanadood ah xisbigiisu haystay , waxaa ku guulaystay Siyaasi ka socday Xisbiga taladda haya ee BJB , Kaasoo magaciisa la yidhaahdo Smriti Irani .
Markii natiijaddii doorashu soo baxdayna ninka lagga badiyey ee Raul Gandi wuxuu yidhi ,'' Waxaa guulaystay mr Irani ayaa guulaystay , aniguna waan guuldaraystay , shacbiga reer Amathina waan hanbalyaynayaa , shacbiga reer amathina way gaadheen go'aankoodii '' .
Mar kale isagoo hadalkiisa sii watana wuxuu yidhi '' Maanta ka hadli maayo doorashadii , waxaan doonayaa in aan idhaahdo dagaalkaygu wuxuu ahaa mid aragtiyeed , sidaa darteed madaxa guulaysatay iyo kuwa laga guulaystayba waxaan odhanayaa ha warwarina kalsoonidiinana ha luminana waxaynu u wada dagaalamaynaa aragti .
Dhinaca kale isagoo ka hadlayay guusha xisbiga kasoo horjeda ee Bjb wuxuu yidhi '' ka hadli maayo wixii aan arkayay qalad doorashada ka hor , waayo shacbiga Hindiya iyagaa go'aankan gaadhay , Mr Moodi ayaana Raysal wasaare ah .
Ugu danbayn Mr Raul wuxuu la hadlay xisbigiisii Congress Party waxaanu yidhi '' Waan idinka tacsiyaynayaa guuldaradan , masuuliyadeedana anigaa qaatay 100%100 .
Hadaba waxaa is waydiinle , dhacdadan maxaa lagga baran karaa .
1- In shacbigu marka ay ka daalaan xisbi iyo siyaasiyiin kusoo noqnoqota ay qunyar codkooda iskaga kaxayn karaan , sidda shacbiga reer Amathi daaqada uga tuureen wiilkii reer Gandi iyo xisbigiisii Congress ee 70 sanadood soo hor taagnaa .
2- In siyaasiyga dhabta ihi yahay ka aqbala guuldaradiisa , masuuliyadeedana tunka u rita .
Ahmed Nour Guruje
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!