Maamulka " Xaafad-Tooyadu" Wuxu U Shaqeeyaa Berbera Iyo Gebiley Oo Keliya ( Abdi-Shotaly.

0
Wednesday January 05, 2022 - 11:34:53 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 891
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka " Xaafad-Tooyadu" Wuxu U Shaqeeyaa Berbera Iyo Gebiley Oo Keliya ( Abdi-Shotaly.

    * N.B Qof Waliba Inta Uu Tashaduu Tamariyaa, Oo Nin La Tumay Bay Tallo Joog-taa!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Qof Waliba Inta Uu Tashaduu Tamariyaa, Oo Nin La Tumay Bay Tallo Joog-taa!


Ma jiro maamul ka dhexeeyaa ummadda Reer Somliland, oo ay u siman yihiin, 50% khayraadka dal-kana waxa laga fuud yeelaa Gobolo gaar ah, oo ka soo jeedda beesha Askariga " Raggii ma adigaa ka hadhay" Inta ka soo hadhana waxa 30% faraha laga saaraa " Heego iyo inta la hal maasha", 10% ka kale waxa uu u qaybiyaa kuwa ka hor wishiiriya, ee uu u xil saaray in ay u soo kala jebiyaan beelaha uu u maqaar-saaray ( waa kuwa uu ku sheego Wasiirada'e). 


Goboladda kale oo dhan in ka yar10% baa fara guud-kood lagu hafraa. Dhamaan Goboladda Bari ee (Sool, Sanaag, Tog-dheer iyo Saraar) Mid-na ma uu tegi karo, galbeedka oo ah Gobolka Awdal, iyo Salal iyana waa ka mamnuuc askariga ku jira Guriggii Moorgan. Waxa lagu quudiyaa Cashuurta ummadda dan yarta ah laga guro 3 Gobol oo keliya, kuwaas oo kala ah Maroodi-jeex, Gebiley iyo Berbera, sabata oo ah waa halka uu ka soo jeedo " Raggii ma adigaa ka hadhay".

Waad la soco-taan, oo kuma dhaco in uu tago Goboladda Awdal, Salal, Saraar, Tog-dheer, Sool iyo Sanaag, waayo weji uma yaalo, waana kuwii uu caayaayey, ee uu lahaa:-


(a) "Nin taliyaa weligood kama kicin" aqoon hadla-keedda daaba, ee caydda intaas le'eg iyo afla-gaadadda doqonimo guudka kala fuulay.

(b) Mar kale waa kii lahaa " Hargeisa bari-geedda Ilaa Sanaag iyo Sool, kuwii is dili jirey, is dhici jirey, geela kala qaadi jirey" Maanta iyakaa ugu liita Somaliland ( Isaga oo u jeedda Habar-Jecllo Iyo Garxajis", oo waxay yihiin baa iska yar, ee maxay iga qaadi karayaan" Bal waxay hayaan ha igu soo daayeen.

(c) Waa kii ugu abaal guday wax uu taro daayoo " Nin ma aan ihi haddii aad fartiina dhexdad ka qaniini weydaan" Waana ay dhacday, oo aad ka qaniin-teen oo wuu kaga dhabeeyey, waxa ka garanaysaa sidda uu u takoorey, Goboladda aanu isir ahaan ka soo jeedin.

(d) Wuxu ka qadiyey, oo uu af-buuxa yidhi " Cashuur-tiina waa in la geeyo Berbera, Gebiley iyo Hargeysa" Adhi-giina geeliina iyo lo'diina mid-na, Sanaag, Saraar,Tog-dheer iyo Sool laguma Cashuuri karo, ee waa in aad u soo gudbisaan Berbera. lama soo koobi karo, eexdda iyo qabyaaladda ku salaysan Isir-nimadda ee uu Maamulka Askariga kala weregsan, ee aan lagu soo dhawaani uu kula kacay, Goboladda aan sare ku soo magacaabay ee aanu ka soo jeedin.

Waxa la yidhi " Waayeel hor-tiisa baa caano loogu biyeeyaaye " Waa kaas ku dhici waayey in uu cag soo dhigo goboladda aanu ka soo jeedin, ee kolba ka soo noqonaaya Berbera. Waayo weji uma yaalla, wax uu ula hadhay-na ma jirto, wax uu taray-na hadal-keedda daa. Hantiddii ummadda waxa lagu foorariyey Inta uu isir ahaan ka soo jeedo oo qudha. 

Deeq-ddii ay bixisay Dalka Taiwan, waad la socotaan inta laag siiyey Goboladda kale, Gobola-diisa oo keliya baa 97% laga fuud yeelay, 3% kale-na waxa loo qaybiyey Goboladda kale. Maah-maah baa ahayd " Qof waliba inta uu tashaduu tamariyaa, oo nin La tumay bay tallo joog-taaye" Ummad yahay waxa aad wadda arkaysaan, in la idinka masruufaayo, in yar oo askariga ku xidhan, kuwa la inoo maqaar saaray ee beelaha magacoodda ku ceesha-na ( Kuwa idinka soo jeedaa) Waa qaar aan naf iyo dan mid-na aan idiin haynin, ee calooshood u shaqaysta-yaal ah, marka uu askarigu dan idinka leeyahay-na la idiin soo diro, oo la idinku kala qaybiyo, la isku kiin diro, si uu food idiinka hello. 

maanta baa taallo idin-la gudboontay, waa kaa diiday xataa in uu idiin yimaado, oo idin yidhaaho maxaad joogtaa? Weliba idin ku qoslaaya, ee leh bal tuugtii reer Bari sidaan u galay eega, ee shaqaala-hiinii wadda eryey, ganacsi-giinii wadda xidhay, Cashuur-tiinii yidhi kuma isticmaali kartaan gobola-dfiina, ee geeyey Goboladiisa. Waxa idiin hadhay oo aad weli ka sugaysaan baan garan la'ahay, bal idinku is weydiiya. oo waa in aad si wacan, oo isku duubni ah uga tashataan Maamulka " Xaafad-Tooyadda" Ama sidiinii ha la iska kiin hor keeno, oo mar kale kii aad ogay-deen, ha idinka hello in aad kursiga saar-taan.


* N.B Qof Waliba Inta Uu Tashaduu Tamariyaa, Oo Nin La Tumay Bay Tallo Joog-taa!

Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...