5 Qodob Oo Suuragal Ka Dhigi Kara In Farmaajo Mar Kale Kursiga Ku Guulaysto

0
Tuesday January 04, 2022 - 18:52:21 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1547
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    5 Qodob Oo Suuragal Ka Dhigi Kara In Farmaajo Mar Kale Kursiga Ku Guulaysto

    FG.waa aragtideyda ee maqaalka waa madax banaan yahay Caadhifad iyo Nin jecleysi .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

FG.waa aragtideyda ee maqaalka waa madax banaan yahay Caadhifad iyo Nin jecleysi .

In kasta oo aan ka mid ahay dadka aan la dhacsaneen Xukunka iyo Hoggaaminta Farmaajo oo marka Si hoosena loo Xisaabtamo aanay jirin Wax dan ah ama Faa’iido ah oo gaar ah ama reerka aan ka dhashay uu u qabtay 5 tii sano ee la soo dhaafay ,ayaan hadana marqaati Nool u ahay Wax yaabaha Taariikhda u galay ee Soomaalida ku Xasuusan doonto Waxaana ka mid ah



1.HESHIISKII ITOOBIYA :Danleyda Siyaasadda waxay ka bixiyaan aragtiyo kala duwan oo dano ay ka fiiriyaan balse ma arkaan itoobiya in ay eheed gacanka 1aad ee Soomaalida lagu waaqo ,oo Maamul kasta ay ula macaamilaan Mid madax banaan Waxaana ka furnaa Dowlad Gobaleedyadda QUNSULIYADDA leh awood Safaaradeed ,taas oo fulin jirtay Danaha itoobiya ,Culees weyn ayay dhismaha qarannimada iyo dib u dhiska Soomaaliya , Farmaajo waa uu soo xeray albaabkaas oo itoobiya kaliya DFS ayay la macaamishaan , albaabkii Dowlad Gobaleedyadda iyo Wakiiladii TPLF ayaa Dalka ka cararay , waa guul aan la himaami karin oo uu la hoyan doonno farnaajo ,dhaxalka uu ka tagayna qeyb ka ah.


2.DHISMAHA CXDS :Farmaajo waxa uu Dhisay Ciidan Soomaaliyeed oo Tira kooban ,Culees badan oo Saraakiil iyo Wasiiro Xilalka looga qaaday ayuu kala kulmay ,qatar badan ayay leheed in albaabka laga xerto Saraakiil Malaayiin dollar CASH ahaan bil walba u heli jiray ,waa waxqabad Farmaajo u gaar ah oo uu la hoyan doonna

 .

3.XARUHAMA UN iyo SAFAARADAHA : Saldhig waxa u ahaa kenya oo qarash badan ka macaashi jirtay ,hadda muqdisho ayay joogaan , oo Xarumo u ah UN waxaa wakiil ugu ah Dowlad Gobaleedyada Dhalinyaro Soomaali ah oo Fursad ka helay waa arin kale oo Farmaajo u gaar ah oo ka mid ah qabkii uu ku Faanno 5 tan sanno.


4.DHISMAHA WADOOYINKA AFGOOYE IYO BALCAD : Burburkii ka dib waa mashruucii ugh ballaarnaa ee Dowlad ay fuliso , waa guul uu la hoyan doonno ninkan ku faanna in Wadani Dalka jecel uu yahay .


5.GUUSHII DACWADA BADDA :in kasta ay jireen Dowladda iyo Hoggaamiyaal kala duwan hadana guusha waxaa leh Madaxweynaha Xukunka haya ee Sababta u ahaa in soomaaliya guul ka gaarto ,dacwadan
Waa Suura-gal 5 taas qodob marka la fiiriyo in mar kale uu fursad u hello hoggaaminta Soomaaliya .


Waxaa jiraan dhalliilo iyo gaabis dhinacyo kala Duwan ah balse maanta kama hadleyna oo waxaan diiradda saarnay qodobada ugy waa weynaa waxqabadka uu Farmaajo diiwaan-ka u gashay ee uu mar kale kaarkeeda xoqan karro.


FG.waa aragtideyda ee maqaalka waa madax banaan yahay Caadhifad iyo Nin jecleysi .


W/Q: Xasan kaahiye

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...