Madaxweyne Puntland Oo Xadhigga Ka Jaray Wadada Weyn Ee Gaalkacyo, Kormeerayna Xarumo Dowladeed. SAWIRO
ayaa maanta Xarigga ka jaray wadada halbawlaha ah ee magaalada Gaalkacyo oo si casriya loo dhisay, isla markaana Kormeeray garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo ee Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo kan Kubadda Cagta ee Cawaale.
Wadada halbowlaha ah ee magaalada Gaalkacyo oo ay dhistay shirkadda wadaniga ah ee Kebarco ayaa dhererkaagu dhanyahay 2.1km, waxaana uu Madaxweynaha Puntland sheegay in wadada loo dhisay si tayadeedu sarayso oo xirfadaysan, isagoona uga mahadnaqay cid kasta oo ka qayb-qaadatay dhismaheeda.
"Aad baad u mahadsantihiin dhammaan intii ka qayb qaadatay, Dowladda Hoose shacabka reer Gaalkacyo, shirkaddii dhistay oo dhismo qurux badan oo aad u fiican dhistay, sida uu qorshuhu yahay 8km inay dhamystiranto baan rajaynaynaa, waxaana ku talageli doonaa magaladu in jidad wanaagsan hesho". Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
Sidoo kale Madaxweyne Deni waxaa uu kormeeray garoonka diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo ee Cabdullaahi Yuusuf Airport. Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac ayaa ka warbixiyey.
"Madaxweynuhu waxaa uu kormeeray qaybaha kala duwan ee Garoonka sida dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan, Waxaana uu u kuurgalay xaladda guud ee garoonka. Madaxweyne Deni si weyn ayuu u amaanay shaqada weyn ee ka socota garoonka, waxaana uu xusay in waxbadan laga qabanayo baahiyaha ay soo gudbiyeen masuuliyiintu".
Sidoo kale Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jama Dabaraani ayaa ka warbixiyey Kormeerka Madaxweynaha iyo weftigiisa ee Garoonka Kubadda Cagta Cawaale.
"Madaxweyne Deni ayaa la kulmay guddiga gacanta ku haysa dhismaha iyo dayactirka garoonka kubadda Cagta Cawaale, waxaa ay ka warbixiyeen sida ay wax u socdaan, meesha ay wax kasoo bilaabmeen iyo agabka ay haystaan, qorshayaasha u yaalla iyo sida ay wax u dhisayaan. Madaxweyuhu waa indha indheeyey garoonka iyo sida ay wax u socdaan waxaana uu ku bogaadiyey hawsha ay hayaan”. Ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jama Dabaraani.
-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND