Golaha Wakiilada oo Rajo galiyay bulashadii soo dooratay wakhti kooban oo ay shaqaynayeen

0
Monday January 03, 2022 - 11:00:58 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1771
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wakiilada oo Rajo galiyay bulashadii soo dooratay wakhti kooban oo ay shaqaynayeen

    Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif Axmed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif Axmed
Tallaabadii Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu dib ugu celiyey Madaxweynaha Masuuliyiin Wasiirro u badan oo dhaafay wakhtigii sharcigu ahaa in Golaha lagu kor keeno.


Tallaabadani, waxa ay muujisay oo farriin cad u dirtay Xukuumadda iyo Madaxweynaha, maadaama oo wada shaqeynta Labadan Waaxood ee Waddanku, is dheeli tirayaan, isla markaana waxa lagu wada shaqaynayo uu yahay sharciga iyo Distuurka dalka in ay ixtiraamaan oo tallaabo kasta loo maro dariiqa sharciga ah.



Miisaaniyadda qaranka oo wakhtiyadii hore duuduub lagu ansixin jiray, ayaa Golahan si weyn uga baaraan degayaan, iyaga oo ku salaynaya baahiyaha dalka iyo mashaariicda Gobollada, iyada oo markii horreysay Mudaneyaasha Golaha Wakiillada fursad loo siiyey in ay su'aalaha ay qabaan ee la xidhiidha Miisaaniyadda ay weydiiyaan Wasiirka Maaliyadda, iyada su'aallo gaadhaya 70 su'aallo oo ka dhashay Miisaaniyadda la weydiiyey Wasiir Sacad Cali Shire.


Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif Axmed, waxa uu magacaabay Guddi hoosaadyada Golahaasi, kuwaas oo si dardar leh u shaqaynaya, isla markaana la xisaabtamaya Wasaaraddaha iyo Hay'addaha dawladda ee Guddiyadaas la leeyihiin wada shaqaynta rasmiga ah.


Guddida Ilaalinta iyo daba galka hantida qaranka oo iyaga kormeeray mashaariicdii Miisaaniyaddii 2020-ka, kuna soo ogaaday musuq maasuq, mashaariic aan la fulin iyo kuwo hore u dhammaaday oo haddana miisaaniyadda lagu soo daray.


Guddiyada kala duwan oo kormeer iyo daba gal la xidhiidha shaqooyinka ay ummada u hayaan ku tegay Wasaaraddaha iyo Hay'addaha dawliga ah ee dalka.

Dhammaan tallaabooyinkan ayaa ah kuwo muujinaya isbeddel laga dareemayo Golaha cusub iyo Hoggaankiisa, taasoo rejo iyo yididiilo cusub gelisay shacabka Somaliland ee doorashadii Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka u codaysay isbeddel ay muddo naawilayeen.
Loading...
Loading...