Berberi Waa Caynkee Horumarkeeduse Intay Gaadhsiisantay

0
Monday January 03, 2022 - 08:46:12 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 813
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Berberi Waa Caynkee Horumarkeeduse Intay Gaadhsiisantay

    W/Q XamseRiiraash

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q XamseRiiraash

Waxa ay ahayd xili aan u jarmaaday aaga iyo magaale xeebeedka berbera.iyada oo kaga aadan dhanka bari ee magaalo caasimeedka hargaysa.kana soo eegaysa dhanka galbeed ee  gobolka togdheer.

 

Magaaladaa oo u  jirta qiyaas ahaan hargaysa 15killoo mitir ayaa markaad gaadho kantoroolka kuu bilaabmaysaa wadada qurxoon ee berera corridor taas oo ku gaadhsiinasa ilaa berbera. marka laga reebo meelo yaryar oo ay hawli ka socoto ama biriijyo lawado dayactirkeeda  mooyee taasi oo  aan waxaan badnayn kugu yar weecinasa rafka haddana isla ilbidhiqsigiiba waxaad kusoo laabanasaa wadadii salaxnayd ee nafiska ahayd.

 

Tuulooyin yaryar ee abdaal iyo xamaas ay ka mid yihiin kolka aad dhaafto  ayaad ugu danbayntii gaadhaysaa xeebtii iyo magaaladii boodhari ee astaanteedu jacaylka u ahayd.

 

Marka kowaadood dhaayahaga saartaad dareemasaa taduwarka iyo horumarka kasii socda gobolkaa saaxil adigoo dareemaya waxa ay magaaladu ku talaabsatay.adigoo qiimaynaya laamiyada ka hilaacay magaaladaa yar haddana khayraadkeedu badanyahay.meel kaste oo aan fiiriyay dhaayahaygu may qaban laami mooyee. 

 

Waxa layaabaysaa sida loo dhaqan galiyay in ayna xooluhu joogin gudaha magaalada si ayna u cunin dhirta meesha laga beeray.magaalada ayaa astaamo badan laga sameeyay astaamahaa oo muujinaya Isla markaana xanbaarsan sifooyinka u gaarka   magaaladaas berbera.

 

Runtii maayarka berberii wax badanbuu u qabtay magaaladiisa .waan bogaadinaynaa angoona ku leh ha ka cajisin horumarka aad ku kasbaday waxbadan. Taasina waa inaad kasii libin laabtaa. berbera waa hoyga horumarka Somaliland.

 

W/QHamse Riiraash


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...