"Jin-Dagaay" Waa Tii La Yidhi Isla Weyn Waa Isma Oga Q.3aad ( Abdi-Shotaly).

0
Monday January 03, 2022 - 08:43:59 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1059
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Jin-Dagaay" Waa Tii La Yidhi Isla Weyn Waa Isma Oga Q.3aad ( Abdi-Shotaly).

    N.B Nin Liita Iyo Aqoon Gaab Mid-na Lama Tirsado.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

N.B Nin Liita Iyo Aqoon Gaab Mid-na Lama Tirsado.

Waxan filayaa in aad magaca Cinwaanka sare ku yaala ee " Jin-Dagaagay" Aynu si wacan oo waadix ah, koobana ugu soo qeexnay qaybahii 1aad iyo 2aad, oo aanu hadda micna-hiisu kaaga jirin mugdi ama mad-madaw, waxa sawir wanaagsan kaa siinaaya waxa uu yahay" Jin-dagaagay " Intan soo socota, taas oo ah " Jin-dagaagay" Waa duul loo adeeg-sado beelaha ay ka soo jeedaan ( Kay doonto ha noqotee, laguna shaqaalay-siiyo siddii ay lugta ugu qaban lahaayeen, kuwa ay iska soo hor-jeedaan ama is hayaan " Sidda Askariga " Raggii ma adigaa ka hadhay" Oo Maamul ku sheegiisa khariban ee hantidda ummadda loogu shuraakoobay, lagaga quudiyo, qaabkii ay beel kaste ku kala jebin lahaayeen, laakiin ogaw oo beesha askariga, sanka waxa uu kaga tolay in aanu mid-na meel kale u foodin, Xusbi kalena u digo rogan karin, kuwa beelaha kale-na waa aynu soo iibsa-naynaa sidda "Khadar Guun" Iyo qaar kale  oo aan hoos ku soo sheegi doono, ee iga qabta waa kuwane:-



(a) " Cali Ooyaaye" Waa ka aad ugu yeedhaan "Cadaani" Horaa loo yidhi " Nin liita iyo aqoon gaaba mid-na lama tirsado" Kani Siyaasadda wuxu u haystaa " Oohinta In lagu helo maksab ama lagu noqdo madax" Kaas oo xil u waashay, oo markuu askariga arko oohin iyo amaan kala hor taga, isagu cid uu naf u hayaana aanay jirin-ba, dal iyo dad iska daayoo, sababta oo ah isaga waxa u daran in uu ilmadda u shubo siddii uu xil u heli lahaa, wax kaloo uga hoosee-yaana hadal-keed daa. nolishisu waxay noqotay daba fadhi.


(b) " Ina Cabdi-dheere" Oo isna hadda lagu bedelay " Buuni" Oo inta askartu u soo qoraan warqad la yidhahao, saxeex dabeed-na ku dhawaaq, isaga oo aan ogeyn, waxana looga sheegin, halka shirka lagu qabtay iyo halka warqadan laga soo qoray, awood-na uma laha in uu waydiiyo, oo waa ku khasab in uu sideedda u akhriyo, ilayn waa la isticmaalayaa. Waxa lagu maaweeliyaa, waxad tahay ku xigeenka askariga " Geenyo Shaaximan" Ee Xusbiga Qudhmiye. Ka koowaad baad noqonaysaa marka uu Musharax noqdo " Mr Geenyo Shaaximani" Taas oo been ah iyo ina wax kama jiraan, Runtu waxa weeye, yaan loo fadhiyin in weligeed qof "Garaxajis ahi"  Gudoomiyaha iyo Musharaxa Qudhmiye ka ahaado. Ina Cabdi Dheere-na waxaas aan jirin baa cad-quudheedka lagu siiyaa, oo reerka baa loogu maqaar saaray, isagaana hadeer la yidhaahaa u jawaab Tolkaa iyo Xusbi-yadda Mucaaridka ah. Aqoon gaab, waa aqoon-gaab uun,


(c) Qaybtan 3aad ee maqaalkan, Waa "Qaar diinal-Fuluus ah" Oo hoos khiyaamo ka watay, beena u sheegay beelihii soo doortay, markii ay soo baxeena uu Askariga " Raggii ma digaa ka hadhay" Caws hor dhigay", ku yidhi wax baan idin siinayaa, ee dan-tiina raacdda, oo aniga ii naageeya, waxa iga daba qaadaan " Sayidka hooyaddii baa nin dhashay" Waxa ay yihiin Qaar beesha " Garxajis ah, oo ku soo baxay Xusbi-yadda Mucaaridka ah, Waxa ka mid ah, Khadar Guun, Qodax, Xildhi-baanka Reer Xuseen ee Waddani ka soo baxay iyo qaar kaloo badan, waa bilaa damiir aan dhiig iyo uus mid-na aan lahayn, waayo way arkaan, 14kii ka soo baxay beeshiisa ( Xataa kuwii xusbi-yadda mucaarika ahi) ay soo saareen, in ay iska xaadiri-yeen askariga jaahilka ah ee Caaqilka sheegta beeleed. Waxa la is weydiinayaa, haddii uu askarigu kuwii ay isku beesha aheen u yeedhay, iyaku miyaanay beel ka soo jeedin? Waa qaar bilaa damiir iyo dareen ah, iyaku maxay u raaci waayeen beela-hoodda? jawaabtu waxa weeye, " Horta madareen san yihiin, hunguri baa hor rooraye"

 

Isku soo duub oo dhamaan inta qaybaha1aad, 2aad iyo tan 2aad aan ku soo magacaabay iyo kuwa ka hoos wariishaya, ee yidhaaha mid jifada-yadda ka mid ah baa wax laga sheegay ee ah ee " JIn-Dagaagay-ga Garxajis" Waa qaar gudcur gudaaya, wax ay yihiina aanay jirin, kuligood caada-qaate-yaal ah "Wax ay samayn karaan baa iskaba yar, cid u fooday-saana ma jirto, haday tahay mid hore iyo ku dambaba, ee waa duul uu illaah sharaftii ka qaaday, weliba ay u dheer tahay dad-nimo xumaan iyo daciif-nimo aan meel gaadhsii-naynini. Waxa soo gabaga-boobay wakhti-gooddii, oo way u dhamaatay. Waddani Cir-kaas buu marayaa, Ummadiina rabbi waa u soo jeediyey, oo xaqii buu tusay, isagaana ku leh doorashadan, oo askariggii jiif iyo joog ba diid, markii Xirsi Xaaji Cali Uu Gudoomiye ka noqday, ee iyaka baa cirka roob ku og, aynu eegno durbaanka uu u garaacay Sakhraanka "Ramaax" bal waa halka uu dhigo iyo waxay ka helaan, duul xunkan is urursaday.

 

N.B Nin Liita Iyo Aqoon Gaab Mid-na Lama Tirsado.

Qore :- Abdi-Shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...