Lacag Laga Saaray Qasnada Madaxtooyada SLAND Oo La Musuq Maasuqay

0
Monday January 03, 2022 - 08:36:31 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1905
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lacag Laga Saaray Qasnada Madaxtooyada SLAND Oo La Musuq Maasuqay

    "kadibna ay dhistay dayrka garoonka muddo kooban kabacdina ay dabayli dumisay dayrkii"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"kadibna ay dhistay dayrka garoonka muddo kooban kabacdina ay dabayli dumisay dayrkii"

Hargaysa (HWN) Guddoomiyaha guddiga dabagalka iyo ilaalinta hantida qaranka Golaha wakiilada Somaliland ayaa shaaciyay magacyada hay’addo xukuumada oo  ay ku heleen musuqmasuq.



Waxaanay sidaasi ay gudidu ku sheegeen Warbixin guddigu ka hor jeediyey golaha wakiillada "Guddigu waxa ay soo aragtay in garoonka degmada OODWEYNE Shirkad qandaraas lagu siiyey in ay dhisto sannadkii 2018-2019, kadibna ay dhistay dayrka garoonka muddo kooban kabacdina ay dabayli dumisay dayrkii garoonka dhamaantiiba, waxaana mar labaad shirkad Libaax Construction la yidhaa lagu siiyey qandaraas in ay dhisto garoonka oo hadda maraya wajigii 1'aad.


Gudidga waxa ay soo ogaatay in riiggii laga qodayay OODWEYNE oo lacagtiisu ay dhamayd $500,000 si toos ahna khasnadda madaxtooyada laga bixiyey, in gabi ahaanba aan waxba laga fulin, habeen madowna uu guuray Riiggii sida uu guddiga u sheegay maamulka gobolku”. Ayuu yidhi Mustafe Khayreeye Guddoomiyaha guddiga dabagalka iyo ilaalinta hantida qaranka.

Loading...
Loading...