Wasiir Ka Hadlay Khilaafka Ka Taagan Golaha Deegaanka Gabilay

0
Monday January 03, 2022 - 08:18:09 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 778
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Ka Hadlay Khilaafka Ka Taagan Golaha Deegaanka Gabilay

    "Waxaan leeyahay Xildhibaanada horumarbaa la idiin doorte Ilmaderayaal kadaaya buuqa"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaan leeyahay Xildhibaanada horumarbaa la idiin doorte Ilmaderayaal kadaaya buuqa"

Hargaysa (HWN) Wasiir ku xigeenka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Dr. Cabdixakiin Siciid Bustaale ayaa fariin u diray xubnaha golaha deeganka Gabilay ee ka soo horjeeda Maayirka Gabilay.



Waxaanu wasiir ku xigeenku sheegay in deegaanku aanu ubaahnayn Buuq ee laga shaqeeyo Horumarka, isagoo xildhibaanadana usoo jeediyay inay la shaqeeyaan maayarkooga


"Waxaan aad iyo aad uga xumahay dadkii la doortay ee deegankani in buuqoodu Gabilay soo dhaafi la yahay oo maalinba Maayirka jooga la eryanaayo wada shaqayntiina meesha ka baxdo aad iyo aadna nasiib darro u ah waana ta dib u dhaca inagu keentay.


Waxaan leeyahay Xildhibaanada horumarbaa la idiin doorte Ilmaderayaal kadaaya buuqa, oo la shaqeeya Maayirka.


Bulshada sidan u eeg ee deegankan iyo dib u dhaca idinka muuqda wuxuu ku yimid khilaafka dhexdiina yaala...."

 

Khilaaf qoto dheeraaday ayaa dhawrkii bilood ee ugu dambeeyayba ka taagan golaha deegaanka Gabilay, kaasi oo ilaa hada aan dawadiisa la helin.

 

Loading...
Loading...