Puntland Oo Baaq U Dirtay Beelo Ku Dagaallamaya Deegaanno Ka Tirsan Nugaal Iyo Sool

0
Monday January 03, 2022 - 07:58:19 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 798
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland Oo Baaq U Dirtay Beelo Ku Dagaallamaya Deegaanno Ka Tirsan Nugaal Iyo Sool

    "ay ku dadaali doonaan sidii nabad waarta loo dhex dhigi lahaa beelaha dagaallamaya"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"ay ku dadaali doonaan sidii nabad waarta loo dhex dhigi lahaa beelaha dagaallamaya"

Maamulka Puntland ayaa baaq nabadeed u diray beelo dagaallo ku dhexmarayaan deegaannada Saax-maygaag iyo Sangejabiye oo ka kala tirsan goballada Nugaal iyo Sool.

 

Axmed Cilmi Cismaan Karaash madaxweyne ku xigeenka Puntland oo shir ja’raaid qabtay ayaa ugu baaqay beelaha dagaallamaya inay joojiyaan colaadda maadama ay yihiin dad ehel iyo xigto isku ah isla markaana ay wax badan ka dhaxeeyaan.

 

Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka ayaa ugu baaqay odayaasha,culimad iyo waxgaradka beelaha dagaallamaya inay u kacaan sidii loo joojin lahaa dirirta.

 

Maamulka Puntland ayuu sheegay Axmed Cilmi Cismaan Karaash in intii karaankooda ah ay ku dadaali doonaan sidii nabad waarta loo dhex dhigi lahaa beelaha dagaallamaya.


Loading...
Loading...