Qaramada Midoobay:-Dhamaystirka Dastuurka Soomaaliya Waxa Caqabad Ku Ah Wada Hadalkii Hargeysa Iyo Muqdisho Ee Istaagay

0
Thursday May 23, 2019 - 15:39:04 in News by
  • Visits: 4760
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaramada Midoobay:-Dhamaystirka Dastuurka Soomaaliya Waxa Caqabad Ku Ah Wada Hadalkii Hargeysa Iyo Muqdisho Ee Istaagay

    Qaramada Midoobay:-Dhamaystirka Dastuurka Soomaaliya Waxa Caqabad Ku Ah Wada Hadalkii Hargeysa Iyo Muqdisho Ee Istaagay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaramada Midoobay:-Dhamaystirka Dastuurka Soomaaliya Waxa Caqabad Ku Ah Wada Hadalkii Hargeysa Iyo Muqdisho Ee Istaagay


Hargeysa(HWN):-Golaha amaanka ee qaramada midoobay ayaa kulan gaar ah kaga hadlay dhacdooyinkii ugu waa weynaa ee soomaaliya ka dhacay dabayaaqadii sanadkii 2018 ilaa horaanta sanadkan 2019.


Golaha amaanka ayaana ugu baaqay dawlada federaalka ah ee soomaaliya inay wada shaqayn dhaw la yeelato maamul goboleedyada dalka ka jira oo ay qaarkood sii kala fogaanayaan.




Raisedon Zenenga oo ah ku xigeenka madaxa xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa golaha amaanka uga waramay caqabadaha ay soomaaliya wajahday bilhii ugu dambeeyey, isaga oo si gaar ah uga warbixiyey xaaladaha amniga, sirdoonka, abaaraha iyo wada shaqayntii u dhaxaysay dawlada federaalka ah iyo maamulada soomaaliy.


Raisedon Zenenga oo ah ku xigeenka madaxa xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya waxa uu caqabadaha jira ku soo daray hakadka ku yimid wada hadalkii u dhaxeeyey somaliland iyo soomaaliya oo uu sheegay inuu dhibaato ku noqday dhamaystirka dastuurka soomaaliya.


Raisedon Zenenga ayaa sheegay in dib u eegistii lagu samayn lahaa dasuurka soomaaliya ay saamayn adag ku yeelatay wada hadalkii Muqdisho Iyo Hargeysa ee hakadka ku jira isaga oo xusay in arinta somaliland oo dhinac loo ridaa ay fududayn karto dhamaystirka dastuurka soomaaliya.


Sidoo kale Raisedon Zenenga waxa uu bogaadiyey go’aankii madaxweynaha somaliland uu sheegay in lagu sii daynayo maxaabiista laga hayo maamulka Puntland ee soomaaliya iyo inay kala shaqaynayaan arimaha amniga, waxbarashada iyo ganacsiga.

Loading...
Loading...