Xisbiga Waddani Oo Sharcidaro Ku Tilmaamay Xadhig Loo Gaystay 9 Ka Mid Ah Shaqaalaha Dekeda Berbera

0
Sunday January 02, 2022 - 18:31:31 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1450
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Waddani Oo Sharcidaro Ku Tilmaamay Xadhig Loo Gaystay 9 Ka Mid Ah Shaqaalaha Dekeda Berbera

    "Maamulka Dekeeda Berbera waxaanu ugu baaqaynaa in ay xorriyadooda u celiyaan 9"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Maamulka Dekeeda Berbera waxaanu ugu baaqaynaa in ay xorriyadooda u celiyaan 9"

Hargaysa (HWN) Xoghayaha Arrimaha Bulshada ee Xisbiga WADDANI Maxaamed Sadiiq dhamme ayaa ka kadlay cadaalad darro uu sheegay in lagula kacay shaqaale ka tirsan muruq maalka dekeda Berbera.



Xoghaye Saddiiq ayaa sheegay in sagaal ka mid ah Muruq maalka dekada Berberi ay si baalmarsin sharciga ugu xidhanyihiin Magaalada Berbera.


Xoghayaha ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu baahiyay oo uqornaa sidan:-

 

Car cabo !

Berbera beryahan danbe waxa ka jira dhaqan qarriban oo caddaalada cadaw ku ah, qof loo xidhayo qof kale, 9 ka mida mururqmaalka Dekeedda Berbera ayaa xidhan muddo 14 maalmood ah, waxay ku xidhan yihiin sharci darro iyo xaqadarro loo xoog-sheegtay, waxa lagu haystaa cabasho 19 Dec 2021 ay warbaahinta ka jeediyeen.


Maamulka Dekeeda Berbera waxaanu ugu baaqaynaa in ay xorriyadooda u celiyaan 9 Mururqmaalka ah, laamaha caddaaladana waxa waajib ku ah in ay dhex noqdaan oo ay ilaaliyaan xuquuqda dadka iyo caddaalada guud.


Qorre- Maxamed Sidiiq .

Loading...
Loading...