Garyaqaan Guuleed Dafac Oo Ka Hadlay Sharcinimada Masuuliyiin Golaha Wakiiladu Muuse Biixi Ku Celiyeen

0
Sunday January 02, 2022 - 18:01:07 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2249
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garyaqaan Guuleed Dafac Oo Ka Hadlay Sharcinimada Masuuliyiin Golaha Wakiiladu Muuse Biixi Ku Celiyeen

    Waxa la gudboon Madaxwaynaha Somaliland:-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa la gudboon Madaxwaynaha Somaliland:-

Hargaysa (HWN) Garyaqaan Guuleed Dafac ayaa ka hadlay in ay sharci tahay talaabada ay maanta Golaha Wakiilada Somaliland ay Madaxwayne Muuse Biixi ugu celiyeen Masuuliyiin uu hore umagacabay.



Qaryagaanka ayaa qoraal uu baahiyay oo uu kaga hadlayo go’aankaasi golaha wakiiladu ay maanta ku celiyeen 14 Masuul  oo ay kujiraan Wasiiro ku yidhi sidan:-

 

Masuuliyiinta dastuurku waajibiyay inuu ansixiyo Golaha Wakiiladdu waa in isla marka la magacaabo loo gudbiyo Golaha. Haddii duruuf jirta darteed lagu gayn kari waayo waxa ay si ku meel gaadh ah xilka ku hayn karaan sadex bilood oo keliya. Haddii ay ku dhaafto sadex bilood waa dastuur jebin cad oo aan qiil loo heli karin.


Golaha Wakiiladdu waa ku saxan yahay inuu ku celiyo madaxwaynaha. Waxa sharci ahaan waxba kama jiraan ah (null and void) talaabo kasta oo ay qaadeen - magacaabis, heshiis ay galeen, lacag ay bixiyeen iwm - intii ay xilka joogeen.


Waxa la gudboon Madaxwaynaha Somaliland:

1. Inuu garwaaqsado inuu yaha madaxa qaranka (Head of State) oo waajibkiisa koowaad yahay ilaalinta iyo raacidda dastuurka;


2. Inuu u eego talaabooyinka uu qaadayo dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka. Waa waxa ay ku kala duwan yihiin boqor iyo madaxwayne;


3. Inuu yeesho - si la mid ah madaxda adduunka kale joogta - xafiiska latallinta sharci ee madaxwaynaha. Ma jiro madaxwayne la doortay oo aan lahayn xafiiskaas. Ma jiro madaxwayne la doortay oo qaada talaabo aanu ka war hayn sharcinimadeeda xafiiska gaarka ah ee madaxwaynaha u qaabilsan sharciga. Xafiis ka baxsan madaxtooyada oo mar mar loo yeedho ma dabooli karo baahida sharci ee taal xafiiska Madaxwaynaha. Maqnaanshaha xafiis sharci waxa ay keentay inuu madaxwaynaha galo qalalaad sharci oo baaxad wayn, balse si fudud loo arki karo.


Maanta dalku xiisadda siyaasadeed iyo sharci ee uu ku jiro waxa keenay gefka laga galay dastuurka ee keentay in doodi ka taagan tahay furitaanka ururada siyaasadeed. Waa xiisad uu ka hortegi karaa lahaa qareen ama arday fasalka sadexaad ee sharciga dhigta oo xafiiska madaxtooyada ka shaqeeya.


Sida loo maamulo dal dasturu leh waxa ay u baahan tahay dhaqan dastuur raacid iyo ixtiraam sharci oo dhab ah.


Allahuma ballaqatu.

Waxa qoray Guuleed Dafac

Loading...
Loading...